Cabdiqaadir Jirde Oo Ka Jawaabay Hadal Uu Muuse Biixi Ka Yidhi Dhacdadii Hargeysa Stadium, Kana Hadlay Qaabkay Wax U Dhaceen

0
614

Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha ku meel-gaadhka ah ee xisbiga Waddani Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde, ayaa soo jeediyay in guddi baadhiseed loo saaro dhacdadii ka dhacay garoonka kubadda cagta ee magaalada Hargeysa, waxaanu sidoo kale ka jawaabay hadal uu murashaxa iyo guddoomiyaha KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi kaga hadlay dhacdadan.

1

Xildhibaan Jirde, oo xalay warbaahinta la hadlay wuxuu sheegay inuu goob-joog ka ahaa ciyaartii Daad-madheedh iyo Hawd, waxaanu ammaanay ciyaartii labada kooxood oo uu ku tilmaamayd mid qurux iyo xarago lahayd. Jirde wuxuu hadalkiisa ku bilaabay “Anigu garoonka ciyaartu ka socotay waan joogay, si wanaagsan ayay ciyaartu u socotay, taageerayaal is dilaya maan arag, ciyaartooy gudahooda dagaalamaya maan arag, waxaanan anigu ka soo baxay markii ay gool iyo gool maraysay oo jawigu degenyahay. Markaan waraystay dadkii ciyaarta dhammaystay ee ilaa dhammaadkii joogay waxay yidhaahdeen qaska iyo rabshadu waxay ka bilaabantay markuu boolisku damcay inuu dadkii tarabaruunka fadhiyay dareeriyo oo uu markaas gas-maasna ku riday, ulo iyo budhadhna la dhacay.

Arrintaas ayaa sida ay dad goob joog ahi ii xaqiijiyeen keentay gadoodka dhallinyaradii ciyaarta daawanaysay iyo kuwii dibadda joogayba.”

Cabdiqaadir oo hadalkiisa sii wataa wuxuu yidhi  “Anigu u qiil samayn maayo rabshadaha iyo dhibaatada dhacday, oo dhallinyarada waxa mar walba laga rabaa inay ciidamada amniga la shaqeeyaan oo ixtiraamaan oo ay u hoggaasamaan awaamiirtooda. Laakiin waa bini-aadam oo marka la xanuujiyo iyana way gadoodayaan.”

Isagoo soo jeedinaya in arrintan guddi baadhiseed loo saaro wuxuu yidhi “Waxaanan ku talin lahaa in loo saaro guddi baadhitaan oo xaqiiqada dhabta ah soo ogaata si wax looga barto hadhoow oo aanay taasi mar dambe garoomadeena ka dhicin waa in la saaro guddigaas oo ay hoggaaminayso wasaaradda ciyaaraha, ururada bulshada iyo dawladda hoose ee Hargeysa.”

Isagoo hadalkiisa sii wata kana hadlaya dadka rasaasta booliska ku dhaawacmay wuxuu yidhi “Waxa kale oo iyana aan qiil loo helayn anigoo ka xun dhaawicii askarta soo gaadhay ee dhagaxa lala dhacay oon Cisbitaalka ku booqday in haddana dadka xabad nool loo adeegsado waxaan soo arkay ilaa shan qof oo shacab ah oo dhaawac rasaaseed ku taalo taasina wax qiil loo heli karo gaal iyo Islaam toona maaha.

Waxa wanaagsan in arrimahaasi aanay inagu soo noqon oo booliska loo tababaro sida garoomada ciyaaraha loo hago markay ciyaaruhu ka socdaan oo la isticmaalo asluub iyo xirfad aan keeni karin gadoodka daawadayaasha. Waxaana la gaadhay maalintii dhaqankaas wax laga bedeli lahaa ee wax la korodhsan lahaa ee rasaasta nool ee la ridayo la xaaraantimayn lahaa. Waa in wax kale oo ka duwan rasaastaas la adeegsado waana waajib shciib iyo dawladba ina saaran. Ciidanka Booliska iyo shacabkana waan ka tacsiyadaynayaa dhibaatada iyo dhaawacyada gaadhay iyaga iyo eheladoodaba, waanan ku booqday cibsitaalka Hargeysa.”

Guddoomiyaha Waddani isagoo ka jawaabaya hadal uu sheegay inuu murashaxa iyo guddoomiyaha KULMIYE Muuse Biixi dhacdadan kaga hadlay wuxuu yidhi “Waxaan maqlaayay guddoomiyaha KULMIYE oo leh dad dalkan inay hoggaaminayaan wax ka doonaya ayaa ka qayb qaatay arrintan oo abaabulay. hadalkaasina hadal masuuliayd darro ah weeye in wax la dejiyo ayaa loo baahanyahay ee in wax la kiciyo looma baahna. Dhibaatada soo gaadhay ciidamadeena iyo

muwaadiniinteenaba in cod lagu doonto oo lagu kaambayn gareeyaa waa xaaraan, taasna waxaan u sheegayaa inay siyaasiyiintu ka digtoonaato oo qaranimadeena iyo sumcadeena wax u dhimaysa.”