Ganacsiga Haweenka: Qadan Hoodo Company Diyaarntii : Xamda Yusuf Adem

0
660

Ka dib markii laga soo noqday dagaaladii ka dhacay dalka 1988-1991 waxa dalka laga bilaabay ganacsiyo yar yar oo dalkan ku soo kordhiyay dhaqaale fiican soona kaabay bulshada reer soomaaliland waqtiyadii dib u dhiska dalka jamhuuriyadda soomaaliland kuwaasi oo kala soo dabaashay marxalado aad u qalafsan ee dalkani soo maray.  Hadaba, dumarku waxay door muhiima ka qaateen dib u dhiska dhaqaalaha dalka kuwaasi naf iyo maalba u huray sidii ay kor ugu qaadi lahaayeen nolosha qoysaskooda .

1

Mulkiile Qadan Hoodo company, waa ganacsato udhalatay jamuuriyada Soomaaliland waxayna ka mida tahay ganacsatada ganacsigoodu xawliga ku socdo wakhti xaadirkan  waxaanay laamo kala duwan ku leedahay Dalalka somaliland, kenya iyo imaaraadka carabta.

Waa ganacsatada kaliya ee gabadha ee keenta alaab uu company geedu soo saaro islamarkaana waxa ganacsigeeda ugu badan ay galisaa dalkan jamuuriyada somaliland si ay uga manaafacaadsadaan bulshada inteeda kale na.

Qadan Maxamed Cismaan (Qadan Hoodo) waxay ka ganacsataa dharka dumarka iyo agabka ay u baahan yihiin dhamaan dumarku ha noqoto kiriimada ay marsadaan , uduga ay shitaan iyo dhamaan alaabta ay isku qurxiyaan dumarku .

Qadan hoodo waxa u furan wakhti xaadirkan todoba tukaan waxaanay ku rajo wayntahay inay saddex xarumood oo kale dhawaan ka hirgalinayso magaaladan Hargeisa sidoo kalana ay ganacsigeeda ku dari doonto alaabaha ay caruurtu ku ciyaaraan iyo dhar caruureed.

Hadaba mar aan waraysi ka qaadnay waxaan wax ka weydiiyey goortuu ku dhashay fikirka ganacsigu iyo siyaaba ha uu ugu hirgalay ganacsigan balaadhani, waxaaanay noo sheegtaya inuu ku dhashay fikirkan ganacsigu iyada oo sideed jir ah dhigatana dugsiga hoose dhexe  isla markaana waxa ay ka bilawday xamuurad uu aabaheed iyada uu uga keenay cariga ingriiska oo ay u marin jirtay hablaha ay isku fasal ka yihiin dabadeetana ay kaga iibsan jireen nususaacahooda intaa ka dib waxa uu ganacsigoodu noqday mid isa soo taraya maalin ba maalinta ka danbaysa  waxaanay markii danbe ganacsigeeda ka bilawday wadan ka qadar oo ay daganayd.

Qadan Mahamed Cismaan ( Qadan Hoodo) iyadoo hadalkeeda sii wadata  waxay tidhi sababaha uu ganacsigayani u hirgalay waxa ka mida iyadoo iga gonayd inaan ganacsi guulaysta mar uun  hirgaliyo.

Waxay kale oo ay iftiimisay, in ay la soo martay marxalado kale duwan kuwaasi oo mid waliba waayaheeda lahayd isla markaana waxay dumarka ganacsatada ah u soo jeedisay inay ogaadaan bulshada ay wax ka iibinayaan dhaqaalaheeda iyo alaabta ay bulshadaasi u baahan tahay iyaga oo eegaya bulshada noocyadeeda kala duwan, sidoo kale waxay ku dhiiri galisay in ay dumarka aanay ka xishoon inay ganacisga ka bilaabaan meel hoose sababtoo ah inta yar uun baa inta badana laga faa’iidaa.

Mar ay ka hadashay waxyaabaha ganacsiga ka dhiga mid faa’iida leh waxay sheegtay Qadan hoodo hadii ganacsiga aad ka bilawdo xadi lacaga oo xalaala isla markaan aad ilaahay isku xidho  oo aad ogaato arsaaqada uu rabi kuu qoray inaanay cid kale cunayn dabadeetana aad sadaqada iyo sakadaba ka bixiso maalkaaga inuu ganacsigaagu noqonayo mid lagu faa’iido.

Guntii iyo gabogabadii waxay Qadan maxamed cisman ku soo koobtay hadalkeedii Waxa aan aaminsanyahay  ganacsiyada gaarka ah in wadanka ay u horseedi karaan horumar dhaqaalle  haddii ganacsatada Soomaaliland ay wada fahmaan ku dhaqanka ganacsiga.

Waxa ay xustay in ganacstada dalkeena looga baahan yahay in ay sameeyaan fikirado cusub oo lagu abuuri karo ganacsiyo gaar ah si loo gaadho horumar dhaqaale oo dhinac walba leh .

Si kastaba ha ahaatee, waxaan shaki ku  jirin haddii ay ganacstada la yimaadaan hal abuur fikrado ganacsi oo gaar ah in ay taasi  door wanaagsan ka qaadaneyso kobaca dhaqaale ee dalka.