Ganacsatada Khudradlayda Suuqa Waaheen Ee Hargeysa Oo Ku Dhawaaqay Urur Ay Ku Bahoobeen

0
656

Picture3Hargeysa(Geeska):-Munaasibad balaadhan oo lagu daah-furaayey Urur cusub oo ay samaysteen Qudradlayda Suuqa Waaheen ee Magaalada Hargeysa oo loogu magacdaray IIDAAN ayaa shalay galab lagu qabtay Hotel Hadhwanaag ee Magaalada Hargeysa.

Munaasibadan oo ahayd mid loogu wan-qalaayey Ururka IIDAAN oo ay ku bahoobeen guud ahaanba Qudradlayda ka ganacsata suuqa Waaheen  ayaa waxaa ka soo qayb galay guddoomiyaha Ururkaasi Md:Cawil Maxamed Cumar,Ku-Xigeenka Ururkaasi Marwo Aamina Cali Nafyar,guddoomiyaha Ururka DAN oo isna ka hawlgala suuqa Waaheen,xubno ka mida Ururka iyo Marti sharaf kale oo aad u tira badan.

Afhayeenka Ururkaasi Md:Cabdifataax Aw-axmed Nuur oo ugu horeyn munaasibadaasi ka hadlay ayaa si faah faahsan u sharaxay ujeedooyinka ay ururkan IIDAAN u aas aaseen,waxaana uu sheegay in ay uga danleeyihiin sidii ay ugu bahoobi lahaayeen waxyaabaha danahooda,isla mar ahaantaana ay dhexdooda iskaga warhayn lahaayeen.

"Haddaan wax ka sheego waxyaabihii kalifay in Ururkan la sameeyo,Ururku horta marka hore waxaa uu ahaa baahi lo baahan yahay,hase ahaatee la la'aa cid bilaw ku bilawda,waayo wax kasta oo la bilaabo cid ayaa bilawda,markaa u jeedada aanu u bilawnay waxaa ay ahayd in dadka qudaarta Iibiya ee ganacsatada Suuqa WAAHEEN in ay hesho hogaan ay ku hiigsato maadaama ay yihiin bulshada ugu balaadhan ee ka ganacsata Suuqa weyn ee WAAHEEN ama magaalooyinka dalka oo dhanba,waxaana aanu ku bilawnay xaalad aad u adag,mana aha sababta aanu u aas aasnay in aanu cid ku weerarno ama aanu cid duulimaad ku nahay laakiin waxaanu garanay in aanu ka tashano arrimahayaga iyo danahayaga oo haddii ay ugu yartahay in aanu kaayaga Xanuun sada,Meheradiisa iyo hawlihiisu ay soo gabaan sidii aanu wax ula qaban lahayn una ogaan lahayn oo aanu garab iyo gaashaanba aanu u siin lahayn,ujeedada kale waxa weeye maadaama aanu nahay dadka ugu badan ee ganacsatada ah haddana aan meelna dawlada u diiwaan gashanayn,waxaanu tusaynaa in aanu nahay cududa ugu weyn ee ka jirta Somaliland in aanu nahay,waxaanan doonaynaa in Xukuumadu ay na garab gasho hadba xaaladaha aanu ku suganahay"Ayuu yidhi Md:Cabdifataax Aw-axmed Nuur.

Waxaa sida oo kale munaasibadaasi ka hadlay Khadra Ismaaciil Cali,Axmed Maaweel Daahir oo ka mid ah xubnaha ururka IIDAAN waxaana ay labadooduba iska daba muhiimada uu leeyahay ururkan IIDAAN iyaga oo ugu baaqay in cidwal oo kamid ah bahda qudradlayda suuqa WAAHEEN ay si toos ah ula shaqayso madaxda iyo masuuliyiinta loo doortay in ay ururkan ay hagaan.

Guddoomiyaha Ururka DAN Md:Maxamed Ismaaciil Wayrax oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxaa uu isna si weyn u soo dhaweeyey ururka IIDAAN ee ay ku bahoobeen dhamaanba qudradlayda ka ganacstada suuqa weyn ee WAAHEEN,waxaana uu carabka ku dhuftay in ay ka urur ahaan ay yeelan doonaan wada shaqayn dhaw"Waxaanu aad iyo aad aanu u soo dhawaynaynaa Ururkan cusub ee qudradlayda ee magaciisa la yidhaahdo Iidaan,runtii anagu waxaanu ahayn urur yar oo hore u jiray oo ka jiray Isla suuqa WAAHEEN oo ku bahoobay danahooda iyo waxii hadba ku yimaada carqalad ee Suuqaas ah,markaa maanta waxaa aad iyo aad farxad weyn noogu ah Ururkan maanta halkan loogu wanqalaayo cida koowaad ee ka faa'idaysaa in ay anaga tahay waayo waa xoog noo soo biiray wax kasta waanu iska kaashanaynaa,waxaanan Ururkiinan cusub idin kula dardaar mayaa in aad ka dheeraataan waxa la yidhaahdo Siyaasada,in aad isku xidhnaataan intiina maamulka ah ama intiina Xubnaha ahiba si aad uga gun gaadhaan ahdaaftiin iyo himilooyinka aad Ururka u aas aasteen" Ayuu yidhi Md:Maxamed Ismaaciil Wayrax.

Marwo:Sacda Amiin oo kamid ah bahda qudrad layda ee ka hawl gasha suuqa Waaheen oo iyana halkaasi ka hadashay ayaa sheegtay in ay si aada ugu faraxsanyihiin ka qudradlay ahaan in ay yeeshaan urur ay ku bahoobaan.

"Ururka IIDAAN in badan ayaanu u baahnayn baahi weyna waanu u qabnay 20-iyo dheeraad sano oo aanu ku jirnay agoon baa uu ahaa,Inan wayn oo aabihii ka maqnaa oo maanta Aabihi helay,kalgacayl maanta u dhiman ma jiro,markaa dad Aabo helaybaanu nahay maanta oo in aanu sidii caruurta aanu Oynaan inyar ujirnaaba" Sacda Amiin

Guddoomiye ku xigeenka Ururka IIDAAN Marwo:Aamina Cali Nafyar oo iyaduna dhankeeda halkaasi ka hadashay ayaa waxaa ay tidhi:"Waxaan maanta halkan aanu ka sheegaynaa in aanu isagu nimi danyarta khudrada oo aanu mid weyn iyo mid yarba aanu dantooda qaban doono oo aanan ku duulayn oo cagaf halagaliyo ma lihin,hala daayo oo ha loo dadaalo oo halala shaqeeyo ayaanu leenahay,dawladana waxaanu ka codsanaynaa Siyaasadna shaqo ku malihin in ay Ururkayaga ay sidaas ku ogaato"

Ugu danbayna waxaa munaasibadaasi soo afmeeray Guddoomiyaha Ururka ay ku bahoobeen qudradlayda suuqa Waaheen ee IIDAAN Md:Cawil Maxamed Cumar ayaa isna waaa uu yidhi:"Ururkeenani waa urur khudradeed waa iskaashi dhexdeena ah iyo iskaashi aynu isku kaashanayno iyo waxii inaga dhiman sida oo kale ka warhaynta ku weena jilicsan iyo dhamaanteenba ayaa aynu horta marka ugu horeysa aynu ku dadaalaynaa,waxaa aynu sida oo kale aynu ka duulaynaa waxii arrimo ah ee inagaga xidhma dawlada in aynu u yeelano nidaam iyo kala danbayn,madax iyo minjo kala yeelano si fiican oo nidaam dawladeed ku jira aynu baahiyaheena ugu bandhigi karno".