Ganacsade Maxamed Baarjeex Oo Baaq U Diray KULMIYE Iyo Guurtida

0
683

picture 3Hargeysa (Geeska )- Ganacsade Maxamed Baarjeex Xasan oo ka mid ah ganacsatada Somaliland ayaa ugu baaqay madaxda Xisbil-xaakimka KULMIYE in ay wada-hadal iyo isu tanaasul ay ku dhamaystaan khilaafka ka dhex aloosan. Maxamed Baarjeex oo shalay warbaahinta kula hadlayay magaalada Hargeysa ayaa waxa uu sheegay in khilaafka ka dhex taagan xisbiga KULMIYE uu saamayn ku yeeshay bulshada Somaliland, isla markaana uu ka dhex abuuray shaki , waxaanu tilmaamay in ay laga maarmaan tahay in si degdeg ah loo so oaf-jaro khilaafkaas. Ganacsade Maxamed Baarjeex Xasan isaga oo arrintaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “Xisbiga KULMIYE waa xisbil xaakimkii, waa halkii ay talladu inoo taalay, waa halkii ay dawladdu ka unkantay, waa xisbigii laga filayay in uu sameeyo tansiilaad badan haddii ay gudihiisa tahay iyo haday meel kale tahayba. Markaa khilaaf soo jireen ah oo dhawr jeer laga soo heshiiyay  ayaa ka soo baxay, maalmihii dhawyd dadku aad ayay u farxeen markii ay shirweynahoodii qabsadeen ee uu ku qabsoomay hoteelkaas Maansoor, si fiican ayuu ku dhamaaday markii hore, daba-filiqdan dambe ayaa dhibteeda keentay dadkana shaki badan galisay.”

Maxamed Baarjeex isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaasi raaciyay “Haddaba, arrintaasi runtii ciddii kale ee ay ka timaadaba dadku waxa uu u arki lahaa meel la dhayi karo oo wax laga qaban karo, laakiin marka ay tahay xisbigii wadankaba xukumayay wuu ka duwan yahay sida xisbiyada kale loo arkayo oo waa xisbigii dawladaba dhalay, markaa qaddiyadaa hadda ka soo dhex baxday, dadkii shaki badan ayay dhex gelisay oo marka aad suuqa dhex marto wax badan ayaa kuu kordhaya oo ay mushtamacu ka wada hadlayaan, waxa dareenka dadka sidaa u kiciyaana waa wax yaala oo u muuqda, oo ay kaga shakiyaan nabadgelyadooda, hantidooda, dadnimadooda iyo jiritaanka Somaliland lafteeda ninkii u naxayaaba uu dareen ka galo, markaa qaddiyadaasi waxay u muuqataa in ay dadkii khalkhal gelisay, inaga oo qudha inama gelinayso ee  dadkii maalgashanayay dalka ee dibada inagaga imanayay iyaga laftigoodu qalinkii iyo warqadii is dulsaarnaa dib ayay ula noqonayaan, wax alaale iyo wixii dib loogala noqdo dalkana waa wax ka go’an, Hargeysa waxaa maanta ka dhisan laba kun oo guri oo wada quraarad ah oo todoba dabaq iyo sideed dabaq oo miidhan ah, markaa waxaan leeyahay dadkaa yaan shaki la gelinin, ummada yaan shaki la gelinin, markaa waxaan ku talin lahaa in uu xisbigu tanaasul badan isu sameeyo.”

Ganacsade Baarjeex waxa kale oo uu baaq u diray golaha Guurtida Somaliland oo uu soo jeediyay inay doorka uga banaan ay ka qaataan arrintaas, isla markaana ay dhexdhexaadin ka galaan khilaafka ka dhex curtay xisbiga KULMIYE waxaanu yidhi “Waxaan dardar gelinayaa golaha Guurtida Somaliland oo marka ay dhibaato dhacdaba si hagar la’aan ah u gala oo nabad iyo wanaag ka taliya, iyagana waxaa leeyahay doorkiinu wuu ku jiraa ee ka taliya.”

“Waxaa wax kasta ka qurux badan haddii sharciyad la isula baydho oo xaga sharciga loo baydho oo ay iyagu is hor fadhiistaan oo ay sharici isugu yimaadaan oo ay ku wada hadlaan wixii iyaga u dhexeeyay iyo wixii dalka loo dhigay, waxaa suuro gal ah in ay is afgartaan, laakiin haddii milil guudkii la dhayo inta maalin kasta la isu yimaado, ama la reereeyo ama si kale la yidhaahdo, wax qurux ah oo ay leedahay ma jirto, waxaan leeyahay bahashaasi reer yaanay noqon, yaan la reerayn, hay’addaha shaqada ku lihi ha galaan.” Ayuu yidhi Maxamed Baarjeex Xasan, waxaanu intaa raaciyay “Madaxweynaha waxaan leeyahay dulqaad ayaa lagugu ogaa ee dulqaad samee, waxaan leeyahay nimanka kale ee madaxda Kulmiye ah, laftigiinu maanta iyo shalay isku mid ma tihidin, maanta awoowayaal ayaad maraysaan, maanta waxaa laga filayaa nin kasta oo da’daas ah in uu talada guud ee wanaagsan uu mar walba xambaarsanaado, sharciyaddana aan la isla dhaafin, sharciyadda ha ku gudbo oo wanaag ha ku gudbo. Golaha guurtidana waxaan leeyahay sidii aad u geli jirteen u gala, ciddii kale ee danaynaysana waxaan leeyahay gala oo si wanaagsan u gala, qolada xisbiyada kalena waxaan leeyahay ka faa’iidaysigiinu ha noqdo in aad iyaga isu jiidaan oo aad wanaag ka talisaan oo wax lagu wada baratamo la soo wada gaadho, dadkana waxaan leeyahay wax mashaakil ahi ma jiraan ee arrintu inta ay leedahay yaan la dhaafinin.”

Ganacsade Maxamed Baarjeex waxa kale uu dalka aynu jaarka nahay ee Jamhuuriyadda Jabuuti uga tacsiyadeeyay xukuumaddeeda iyo shacbigeedaba qaraxii dhawaan ka dhacay dalkaasi, isaga oo arrintaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “Waxa kale oo aan ka hadlayaa dhib maalin dhawayd ka dhacday dalka aynu jaarka nahay ee Jabuuti, waxaa ka dhacay qarax, arrintaas dawladda Jabuuti, madaxweynahooda iyo dadka reer Jabuutiba waan ka tacsiyadaynayaa, waxaan leeyahay ILLAAHAY ha idiin tayasiiro, waxaana waajibkeedu yahay in dawladda iyo dadku ay isku xidhnaadaan oo meel ayaa looga soo waada jeedaa marka ay arrintaasi oo kale ay dhacdo. Ciddii idinku soo duushay ee khaladkaa samaysayna iskaashi wadareed ayaa lagaga bixi karaa, markaa waxaan leeyahay is-dugsada.”

Ganacsade Maxamed Baarjeex waxa kale oo uu dhambaal hambalyo ah u diray boqorka cusub ee dhawaan lagu caleemo saaray magaalada Qardho ee maamul goboleedka Puntaland Boqor Burhaan, isaga oo arrintaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “Waxaan halkan ka tahniyadaynayaa boqorka la boqray ee daarood ee lagu boqray Qardho Boqor Burhaan, waxaan leeyahay ILLAAHAY xilka laguu doortay ha kuu fududeeyo.”