Ganacsade Cali Guuleed Oo Reer Somaliland Uga Mahadnaqay Aaskii Axmed-Yaasiin Gabayxadi

0
3092

Hargeysa(Geeska)-Ganacsade Cali Cumar Xasan Guuleed ayaa guud ahaanba shacbiga Somaliland uga mahad naqay aaska qaran ee loo sameeyay Marxuum Axmed-yaasiin Gabayxadi oo Hargeysa lagu aasay khamiistii, ka dib markii uu ku geeriyooday dalka Imaaraadka Carabta.

Ganacsade Cali, waxa uu reer Gabaxadi Alle ugu baqeyay cawad calin iyo inuu marxuumka naxariistii janno ka waraabiyo, waxaanu ku tilmaamay marxuunka geeriyooday mid qiimo badan dalka iyo dadkaba ku lahaa “Aniga oo ku hadlaaya magacayga iyo magaca hudheelka Guuleed iyo magaca reer Xasan Guuleed oo aan ugu weynahay waxaan tacsi u dirayaa reer Gabaxadi, geerida ku timi Axmed-yaasiin Gabayxadi oo lagu aasay magaalada Hargeysa shacbiga Somaliland oo si qaran xukuumad,shacab iyo mucaarad iyo muxaafid aan loo kala hadhin farxad ayay noo ahayd galbinta la sii galbiyay Axmed-yaasiin Gabayxadi alle naxariistii jano ha ka waraabiyo.”
Cali oo hadalkiisa sii wata awaxa uu yidhi”Qofbaa nolashana kugu anfaca isaga oo mayd ahna ku anfaca, Axmed-yaasiin taariikh aan hore loo arkin ayaa maanta Hargeysa ka dhacday, waxa uu taariikh badan ku lahaa nolashiisii aabahay Alle hawnaxariistee markii uu dhimanaayay qofkii ugu horeeyay ee uu la dadraarmo ayuu ahaa Axmed-yaasiin nin nolasha aduunyadana daar ku leh ayuu ahaa intaas oo islaam ah oo isugu timid oo wayso qabta oo aan lixda gobal ee Somaliland ciddi ka maqnayn, aad baanu ugu mahad naqaynaa dadka, reer Gabayxadi alle waxaan ugu baryayaa inuu cawad ka siiyo.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here