Ganacsade Cali Cumar Guuleed Oo Ka Hadlay Heshiiska Saldhiga La Siinayo Dawladda Imaaraadka Carabta

0
641

Hargeysa(Geeska)-Ganacsade Cali Cumar Guuleed, ayaa difaacay saldhiga Imaaraadka Carabta laga siinayo Berbera, waxaanu soo jeediyay in si cilmiyan ah loo faaqido faa’iidada heshiiskaas.

Cali, oo shalay saxaafadda kula hadlay Hargeysa, waxa kale oo uu difaacay wakiilka Somaliland ee Imaaraadka Carabta Mr. Baashe Cawil, “Haddii rayigayga aan cabiro, waa tii UAE dekedda la siiyay, waxaanan u aqaanaa dawlad yar oo koraysa oo adduunyada qaybteeda qaadata. 1975 ayaan tagay oo dad badow ah ayay ahaayeen, maanta way muuqdaan. Ingirisku shidaalkii uu inoo qodayay markaan af garan weynay Dubai ayuu tagay, maantana madaarkii ayay dalbadeen. Taariikhda iyo xidhiidhka Imaaraadka horta yaan la isku khaldin, Imaaraadku waa dawlad aan 100 sannadood in ka badan xidhiidh lahayn, waa dad abeesada cuni jiray oo Alle wax siiyay.” ayuu yidhi Cali, isagoo intaas raaciyay “Saldhigan aan ku dawakhnay, Maraykanku 180-ka dawladood ee dunida, boqol ayuu la leeyahay, haddii si wanaagsan loo darso oo aan ka baxno waxan la wad-wado oo la wada eego faa’iidada uu inoo leeyahay ilayn baarlamaankii ayaa ansixiyay oo hadal kama taagnee.  Anigu waxaan aaminsanahay in dawladaas la ixtiraamo, dawladii aan dekedda siinay hadday maantana tidhi saldhig na siiya sidaad u dhigto iyo sidaad wax uga qaadanaysaa way qiimo badantahay.”

Isagoo wakiilka ka difaacaya eedaha loo jeedinayo wuxuu yidhi “Ayaantan waxa la wad waday inan jooga safaaradda Dubai Baashe hadda wax baabu keenay ama ha xumaado ama ha wanaagsanaado, awooda bixinta waxa leh baarlamaanka, hadday diidaan muu socdeen saldhigaasi, waxaan odhan lahaa inankaasna magacyo badan oo naanaysa ayaaa loogu yeedhaa dee magaciisa rasmiga ah waa la yaqaanaa. Waxaan odhan lahaa wuxuu keenayana hadday khayr leedahay hala aqbalo, hadduu wax fool xun keenayna hala diido.”