Gadiidleyda Burco Oo Ka Cabanaya Gadiid Ay Ka Shakiyeen In Kooto Loo Wado

0
713

Burco (Geeska)-Darawaliinta gaadiidka yar yare ee qaadka Rakaabka u kala goosha goboladda Somaliland iyo Kaariyadda Istaamadda Burco ayaa ka qayliyay Gaadiid Basas ah oo ay sheegeen in Xukuumadu ka danbeyso oo Qaab Kooto ah loogu xidhay shaqooyinkii Rakaabka ee gaadiidkani fulinjireen. Qaar ka mid ah darawaliinta gaadiidka Burco oo la hadlay Saxaafadda ayaa Xukuumadda ugu baaqay hadii ay joojinwaydo farogalinta ay ka dhex wado gaadiidka Rakaabka qaada in ay oogi-doonaan Banaanbaxyo ka dhan ah Xukuumadda.''Hadii aanu nahay Iskaashatooyinka Basaska,Noohooyinka iyo tagaasida ilaa Burco- Wajaale ilaa Boorame u kala baxa waxaanu ka cabanaynaa Gaadiidka la yidhaahdo Bari iyo Galbeed ama (East and West ) oo nalagu yidhi dawladaa qaar ka mid ah leh oo qayb ka ah waxaanu ku araganay kaantaroolada markaanu isasoo wada taagno Birta iyaga waa laga dhuftaa hadii ay kootarbaan sidaan iyo hadii kaleba, anagoo lix qof sidna waa nala baadhaa cashuur baa nala qaadaa caruur tayadii iskuulada joogtay ayaa lacagtii wadooyinka laga qaadaa,gaadiidkaas waxaanu leenahay iskaashatooyin ba jira ee iskaashatooyinkaas haku soo biiraan ka horeeyay hadii aanay awood kale meel ka haysan"Sidaasi waxa yidhi Maxamed Xuseen oo ka mid ahaa gaadiidlaydaasi cabanaysay.

 Saleban Cumer Qaalib oo isaguna ah Gudomiyaha Basaslayasha Burco ayaa Waxa isaguna ka Mid ahaa Hadalidisii " Gaadiidlaydu dalka waa ka Boqolkiiba  Todobaatan xaquuqdayadii waa la,nahay oo dulmanayaal baanu nahay cashuurtii waa nalagu laba jibaaray xafiisyo iyo wadooyin ma hayno,hadii waxan na haysta wax laga qaban waayo waanu mudaharaadaynaa,Sidaas waxa yidhi mid ka mid ah Gaadiidlaydii cabashada samayasay.iskaashatooyin ayaa hore u jiray oo in kuwaas ay ka mid noqdaan waa la diiday oo haragaysa iyo xaga sare ayaa laga soo amray taliyaha qaybta, ayuu yidhi muwaadin kale oo gaadiidlayda ka mid ahi. Cismaan Maxamed Boqore Oo ah Gudomiyaha Kaariyiinta Togdheer Oo isaguna ka Hadlay ayaa isna dhinacooda si weyn uga qayliyay gaadiidkan Basaska ah ee Suuqyadda lagu soo daayay.