Gabadh Ku Lammaan Raysalwasaaraha Ingiriiska Oo Fiisaha Maraykanka Loogu Diiday Booqasho Ay Ku Timid Somaliland

0
822

Hargeysa(Geeska)-Dawladda Maraykanka ayaa dal-ku-galka VISA ee dalkeeda u diiday Ms. Carrie Symonds oo ah gabadh ay isku lammaanyihiin Raysalwasaaraha Ingiriiska Boris Johnson.

Warbaahinta Ingiriiska iyo Maraykanka ayaa shalay aad u baahisay in Maraykanku Visaha u diiday Ms. Carrie Symonds oo ah 31 jir, ka dib markii ay sanadkii hore ee 2018 socdaal ku timid Somaliland, iyadoo ay wehelisay Nimco Cali oo ah muwaadinad reer Somaliland ah oo caan ka ah dalka Ingiriiska una ololaysa dabar-goynta gudniinka fircooniga ah. Ms. Symonds iyo Nimco ayaa la kulmay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, markii ay soo booqdeen Somaliland.

Haddaba, Ms. Carrie Symonds ayaa waxay dhawaan Dal-ku-galka ka dalbatay dawladda Maraykanka, si ay toddobaadka dambe dalka Maraykanka ugu baxdo socdaal la xidhiidha hawlo shaqo oo ay u tagaysay.

Hase yeeshee hay’adaha Maraykanka ayaa u diiday dal-ku-galka, waxaanay warbaahintu sheegtay in sababtu tahay socdaalkaas ay kal hore ku tagtay Somaliland.

Xafiiska Downing Street oo ay haweenaydani la degentahay Raysalwasaaraha Ingiriiska oo uu Telefishanka SKY News la xidhiidhay si uu arrintan wax uga weydiiyo ayaa ka gaabsaday inay ka hadlaan.

Hase yeeshee Nimco Cali ayaa twitterkeeda ku qoray qoraal kooban oo ay ku difaacday Somaliland, waxaanay sheegtay in Somaliland tahay guul Afrika ay gaadhay, “Waa meeshaan ku dhashay.” Ayay tidhi, iyadoo intaas raacisay in Somaliland tahay meel yaab leh, “28 sanandood oo aanay beesha caalamku waxba ku caawinin waxaanu dib u dhisanay dalkayaga waana dimuqraadiyada keliya ee ka jirta Geeska Afrika.” Ayay tidhi waxaanay raacisay inay ku faraxsanahay inay qof kasta soo tusto meel kasta oo ka mid ah dunida.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here