Hargeysa (Geeska)-La taliyaha Madaxweynaha ee Gobolada Barri Fu’aad Aadan Cadde, ayaa ka hadlay sida uu u arko go’aankii ay dhawaan Xisbiyada Mucaaradku ku qaadaceen Diiwaangelinta la filayo inay dalka ka qabsoonto, waxaanu ugu baaqay, una soo jeediyey inay ka noqdaan go’aankaas, waxaanu sheegay in haddii ay hayaan waxyaabo Diiwaangelinta lid ku ah, oo ay waddo Dawladdu inay soo banidhigaan, oo aanay sabab la’aan go’aan u gaadhin.
Fu’aad Aadan Cadde ayaa sidoo kale waxa uu Bulshada reer Somaliland ugu baaqay inay ka wada qeyb galaan Diiwaangelinta la filayo inay dhawaan qabsoonto, waxaanu xusay inay qof walba helayo Kaadhka Aqoonsiga Diwaangelinta ee Somaliland, faa’iido badan uu u leeyahay.
Fu’aad Aadan Cadde ayaa isaga oo u waramaya Wargeyska Geeska Afrika sidoo kale sheegay inuu aamisan yahay inay Doorashadu dalka ka qabsoomi doonto Sannadka dambe, oo sabab dib u dhigtaa oo uu arkayaa aanay jirin, waxaanu ugu horeyn hadalkiisi ku bilaabay “Diiwaangellinta lagu qaadanayo Kaadhka Somaliland, waxa ay ila tahay inay fiican tahay in la qaato, oo Bulshada reer Somaliland ay qaataan, si ay u muujiyaan muwaadinimadooda,”.
Fu’aad Aadan Cadde oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Xisbiyada Mucaaradku markii ay qaadaceen Diiwaangelinta, sababta ay ku qaadaceen may sharaxin, waxayna yidhaahdeen waanu qaadaynay, Dawladduna khiyaamo ayey ka wadataa, khiyamadaasna waxa ay tahay may sheegin, waxa la yidhi Muslinoow run sheeg Muslinoowna run uga qaado, Dawladda waxa ay tidhi waa in la rumaysta, hore ayeyna u sheegtay inay Doorashadu dhacayso, Xisbiyada Mucaaradka ahna waxa aan u soo jeedinayaa in haddii aanay sheegayn sababo Dawladdu keentay oo xidhaya, in aanay qaadicin Diiwaangelinta oo cid walba dan u ah”
Fu’aad Aadan Cadde ayaa mar uu ka hadlaayey Doorashada la filayo inay Sannadka dambe dhacdo iyo sida uu u arko waxa uu yidhi “Dawladdu waxa ay tidhi ilaw iyo ilawba Doorashadu wey dhacaysaa, Mucaaradkuna waxa uu rabaa inay Doorashadu ka dhacdo, markaas anigu wax ii muuqda oo joojiya Doorashada ma arko, waxaana qabaa inay Doorashado dhacayso”.