Faysal iyo Suldaan Xiirey Oo Si Kala Fog Uga Hadlay Shirka Garxajisiyadda

0
692

Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha xisbiga UCID Md. Faysal Cali Waraabe iyo Suldaan Yuusuf Muxumed Xiirey oo ka mid ah madaxda dhaqanka ee magaalada Hargeysa, ayaa aragtiyo kala fog ka bixiyay shirka muddooyinkan dambe la waday ee Garxajis.

1

Suldaan Xiirey oo ka mid ahaa ergo shalay ka qayb gashay caleemo saar loo sameeyay Suldaanka guud ee Beesha Guuyoobe Suldaan Sakariye Suldaan Maxamed Cabdilaahi (Galaal),oo lagu caleemo saarayo tuulada Qotondabo ee bariga magaalada Hargeysa, ayaa wuxuu sheegay in shirkaasi yahay shir horumar oo ay Beelaha Garxajis kaga tashanayaan aayahooda iyo danahooda, waxaanu Suldaan Xiirey  yidhi  “Waxaan doonayaa in arin ka duwan; aan bulshada  Somaliland aan halkan uga cadeeyo oo meeqaamkeedii laga yara duway oo la yidhi  beesha Garxajis baa shir beeleed wada , Garxajis shir beeled ma wado ee danahooda gaarka ah ayey ka tashaneysaa  waxaan idiin cadeynayaa meeshaasi  waa nabad ee ogaada waana beel walaal nimadeedii ka hadleysa.”

Suldaanka oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Waana sida  jiif Caaqil Jaanbiir Iyo muj.Xassan Guure  ay sheegen waxaanan idiin sheegayaa halkaasi wax balaayo ahi kama jirto ninkii balse xumaan doonayaa heli maayo , waa nabad , waa walaalnimo dalkana lexo jeclo ayaa ka heysa.”

Hase yeeshee guddoomiyaha xisbiga UCID Md. Faysal Cali Waraabe oo isna madasha joogay ayaa ka jawaabay hadalkaas Suldaan Xiirey, waxaanu yidhi  "Ninka Qandariyada degan iyo ninka masalaha degan dan gaar ah oo ka dhaxeysa anigu ma arko oo maanta Garxajis  uu hayo , Ciidagale wuxuu la nasiib yahay dadkaas reer Hargeysa ee ay wada degan yahiin , markaas arintaas uu Suldaan Xiirey sheegay waxaan u arkaa fidmo cusub oo 1994 dalka ku celineysa waanan hor joogsan doona oo mana dhici doono inshaalah shirkaasi " sidaas ayuu Faysal yidhi.