Faysal Cali Waraabe Oo Xilkii Ka Qaaday Guddoomiyihii Hadalka Cadayd Ee SaaxilFaysal Cali Waraabe Oo Xilkii Ka Qaaday Guddoomiyihii Hadalka Cadayd Ee Saaxil

0
466

Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa xilkii ka qaaday guddoomiyihii xisbiga ee gobalka Saaxil Rooda Axmed Yaasiin.

1

Qoraal uu shalay soo saaray wuxuu ku eedeeyay Rooda Axmed Yaasiin inay ka baydhay siyaasadii xisbgia islamarkaana ay aflagaadaysay dawladda Imaaraadka Carabta. Qoraalka Faysal wuxuu u dhignaa sidan ““Markaan arkay hab dhaqanka baal marsan siyaasadda xisbiga, markaan arkay aflagaadadii ay u gaysatay dawladda Imaaraadka oo saxaafadda ku jirta, markaan arkay inay ku hadashay afkii xisbiga, kana been sheegtay siyaasadda ku waajahan arrimaha dekedda ee xisbiga.

Anigoo tixraacaaya digniinta hore ee sumadeedu ahayd Ref: UCID/XDH/141/2016 ee 27/06/2016, anigoo tixraacaya shirkii jaraa’id ee ay la qabatay dad aan xisbiga ahayn 30/06/2016 ay si toosa ugu aflagaadaysay guddoomiyaha xisbiga iyo madaxda kaleba.

Sidaas darteed maanta oo ay taariikhdu tahay 2/7/2016, waxaan xilkii ka qaaday Rooda Axmed Yaasiin, guddoomiyihii gobalka Saaxil.

Sidaas awgeed, laga bilaabo maanta in xil ay xisbiga u haysaa aanu jirin, kumana hadli karto afka xisbiga.

Waxaan raaligelin ka siinaynaa dawladda Imaaraadka, madaxda xisbiga iyo ciddii kale ee ay magaca xisbiga ku aflagaadaysay.