Faysal Cali Waraabe Oo U Jawaabay Dawladda Soomaaliya

44
3088

Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Ucid Eng.Faysal Cali Waraabe,ayaa wax lagu farxo ku tilmaamay heshiiskii saddex geesoodka ahaa ee Dubai, waxaanu ku dhaliilay dawlada Somaliya inay heshiiskaas ku tilmaamtay mid aan shaqaynayn.

Faysal Cali Waraabe ayaa raysal wasaaraha Somaliya ku sheegay nin aanu go’aan ka go’in, isla markaasna dawlada Somaliya ayaa uu ku tilmaamay mid aan shaqaynayn, fasyal Cali Waraabe oo warbaahinta kula hadlaayay Hargeysa waxa nuu yidhi “Aad iyo aad ayaan ugu mahadnaqayaa dalalka ka qaybgalay saxeexaas ee Itoobiya,DP World iyo Somaliland, waa talaabo aanu soo dhawaynayno, waxaa halkaa ka muuqata in Somaliland ay noqotay dal la aamini karo oo laysku halayn kara oo heshiis gali kara oo la maalgashan karo, waxa halkaas ka muuqatay in wadamada Geeska Afrika halkii ay colaadi u dhaxayn jirtay in wax wada qabsi uu u dhaxeeyo, waa heshiis ay Somaliland sharci u leedahay,heshiisyo hore oo badan ayay aduunka la gashay, dawlada Somaliya magaca u ah waxaanu ku heshiinay wada hadaladii Turkiga 2013-kii in wadan kastaaba uu xaq u leeyahay inuu horumarkiisa samaysto.”

Faysal Cali Waraabe oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi”Waad ogtihiin oo mid kalba urur yar haysan jiray ayaa ay ka dhigtaan madaxweyne inta meellaha laga soo qaado, Khayare iska daa Somaliland’ee wax Somaliya la yidhaahdo oo fedaraal ah ayaan jirinba, waana magac la sameeyay oo la doonayo in Al-shabaab lagula dagaalamo,khayraadka Somaliyana lagu qaato, hadduu naf leeyahay saddex gobol oo Jubaland la baxay ayuu Axmed Madoobe isku dubaritay oo aanu xaq u lahayn, haddii uu naf leeyahay dekeda Boosaaso Cabdiwali Gaas isaga oo leh ka mid ayaan ahay ayuu si madax banaan u isticmaalaa, Soomaalidu waxay tidhaahdaa ( Aabo ka yar iga celi oo ka weyn igu soo daa).Somaliya waxan dawlada lagu sheego waxa gacanta ku haya Axmed Madoobe,Farmaajo iyo Cabdiwali Gaas, markaas Farmaajo ayaanu la macaamilaynaa, isaga cid may dooran waxaanu leeyahay Soomaali ayaa i dooratay, Soomaalida doortay waa’ayo, reerkooda ayaan dooran oo waa la magacaabay,Farmaajo ayaanu la xidhiidhaynaa inuu dilaalkan la qabo iyo inay isaga ku koobantahay. Laakiin waxaanu leenahay Khayre iyo inantan yar ee Soomaali baantuuga ahi kama talin karaan Berbera, waa qaladka aanu saxayno ee lixdankii dhacay ee talada dalka wax aanan aqooninba ay ka hadlayaan.”

Faysal, wuxuu ka jawaabay hadal uu twitterkiisa ku qoray wasiirka arrimaha dibadda Djibouti Maxamuud Cali Yuusuf oo uu ku sheegay in dawladda Soomaaliya ay diiday heshiiska dekedda Berbera ku saabsan ee dhex maray Somaliland, DP world iyo Itoobiya, waxaanu Faysal yidhi “Waxaan shacbiga u sheegaynaa wasiirul khaarajiga Djibouti waad aragteen halkuu istaagay, markaas dadkii kala saari waayay gacalka iyo qaranka taasi way noo markhaati furtay, markaas abtiyaashay waxaan leeyahay seedinimada iyo qaranku meel ma wada galaane qaranka ayaa ka muhiimsan, qoladii difaacaysay ee lahaa Faysal dhaameel ayuu qaatay maanta ayay kala cadaatay kaayaga baasaaboor qaatay, laakiin waxa ka xun kaas ka inaga inagu dhex jira ee aan kala garanayn qaranka iyo gacalka ee jecel inuu marti noqdo oo uu baasaaboor martiyo, qaad martiyo, macawiso martiyo.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here