Faysal Cali Waraabe Oo U Hanjabay Madaxweynaha Somaliya, Taageerana U Muujiyay Saldhiga Milatari Ee Imaaraadka Carabta

0
756

Hargeysa (Geeska)-Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee UCID Eng: Faysal Cali Waraabe, ahna Musharaxa Madaxweyne ee Xisbigaas, ayaa ka hadlay Madaxweynaha cusub ee Somaliya Farmaajo, waxaanu uga digay inuu Somaliland iyo madax banaanideeda, soo fara gashado, waxa kale oo uu xusay in nidaamka Doorasho ee Somaliland iyo Somaliya aanayisku dhawayn oo ay Somaliland ka wanaagsan tahay.

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee UCID Eng: Faysal Cali Waraabe, oo Shalay dalka dib ugu soo laabtay ayaa sidoo kale ka hadlay aragtidiisa Saldhiga Milatari ee Imaraadka laga siinayo Berbera iyo dhacdadii doraad ka dhacday Barlamaanka, waxaanu ugu horeyn yidhi isagoo ka hadlaya Madaxweynaha cusub ee Somaliya “Waa Wadan aanu jaar nahay, anigu waxaan u arkaa in wali Wadankaasi aanu Wadan ahayn, inuu yahay Wadan wali qabyo ah, Madaxweynahaas waxaan u arkaa inuu yahay Madaxweyne aan loo dooran sida Madaxweynayaasheena loo doorto, Doorasho jajab ah oo ay  suuqa dadka laga soo ururiyey weeye, hortiina qaar baa sidaas loo dooran jiray, insha allaahu tacaalana waxaanu jecel nahay inuu ILLAAHAY ku guuleeyo, anaga arintaydana kolba siduu noola yimaado macaan iyo qadhaadhba waanu leenahay, haddii uu qadhaadh noola yimaado sidii kii ka horeeyey ee Xasan Sheekh sheeganaayey, anagu qadhaadhkii waanu tusi doonaa, aadna diirada waanu ugu haynaa talaabooyinka uu qaadayo iyo kalmadaha uu odhan doono waanu ilaalinaynaa, haddii uu nin maskaxdii adeerkii ku socda, ee xasuuqa noo geystay, maanta cid inaga xooga badani ma jirto, halka uu joogo isagu waa ku marti, adigu  Hargeysa marti kuma tihid, Muqdisho waa halka Maxamed Siyaad Barre ka wada ridnay, aniga kaga wadanisan, ta martida uu ku yahay ma joogayo, anaguna waanu iska celinaynaa haddii uu toodii ku hadlo, aloore aloore, midnimo Soomaaliyeed iyo wixii uu noola yimaado cashar baanu bari doona insha allaahu tacaala”

Eng:Faysal Cali Waraabe mar uu ka hadlay Saldhiga Milatari iyo arintii ka dhacday Barlamaanka ayaa yidhi “Tan markaan u imaadana, soo Barlamaanka lama marin, Umadda waxa Wakiil ka ah Barlamaanka, Xisbi haddii uu yahayna Xildhibaanada naga wakiil ah, oo heshiiska ka hadlaya, maaha in habar kasta ka taliso, haddii ay fuliyeen, maxa inoo yaala waa Sharci, waa loo codeeyey ee maxa kale la sameeyey”.

Mar wax laga weydiiyey sida uu arko Xildhibaanadii jidh dilka loo geystay ayaa yidhi “Ninka Barlamaanka ahi waa inuu Kursigiisa fadhiyaa, uu ka dooda, oo codkana ridaa, awood baa la siiyey, ee maaha inuu dagaalamo, oo meesha foodo ka rido maaha, xaasanadu maaha in meesha buuq ka sameeystid, Saleebaana waan u tahniyadeeynayaa, si ragnimo leh buu u hogaamiyey”.

Faysal Cali Waraabe mar wax laga weydiiyey sida uu u arko Saldhiga Milatari ayaa yidhi “Soo Dawladdu inooga Wakiil maaha, Dawladdu ma waxaan danteena ahayn bay qabanaysa bay kula tahay, ma waxay kula tahay in Dawladda inagu uga lexe jeclo badan nahay dalkeena, ee u dhaaratay ee xilka la saaray, Caaqilka halkaas kootada ku haya ayaa uga caqli badan bay kula tahay, yaa yidhi Caaqilka ka hadal, anigu waan xidhi lahaa haddii aan Madaxweyne ahay”