Faysal Cali Waraabe Oo Si Ba’an U Weeraray Wasiirka Madaxtooyada Oo Uu Eedaymo Kala Duwan Oo Culus U Jeediyay

0
3535

“Waxa Uu Ahaa Ninkii Inta Uu Baaskoolad Ula Galay Rayaale, Markuu Ka Soo Baxay  Yidhi Mar Baan Damcay Intaan Madaxa Kaga Dhufto Inaan Fadhiisto Kursigiisa”

Picture7Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Md. Faysal Cali Waraabe ayaa si ba’an u weeraray Wasiirka Madaxtooyada Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan, oo isagu hore ugu eekeeyay guddoomiye Faysal Cali Waraabe; weerar qaawan.

Wasiir Xirsi ayaa Jimcihii ku tilmaamay Faysal Cali Waraabe inuu yahay khaa’inul wadan la soo saftay ergadii ka socotay dawladda Somaliya, wakhtigii ay socdeen wada hadaladii Turkigu, waxaanu Xirsi intaas raaciyay inay kala garan waayeen in Faysal ka socday Somaliland iyo inuu ka socday Somaliya. Hase yeeshe guddoomiye Faysal oo shalay shirjaraa’id ku qabtay xafiiskiisa Hargeysa ayaa iska difaacay eedaymaha loo jeediyay, waxaanu taas bedelkeed eedaymo culus dusha ka saaray Wasiirka madaxtooyada.

Faysal isagoo ugu horayn ka hadlaya wasiirkii madaxtooyada ee dawladii Rayaale islamarkaana barbar dhigaya wasiir Xirsi, wuxuu yidhi, “Booska wasiirka madaxtooyada waxa abuuray madaxweyne Rayaale waxaanu ka dhigay markii ugu horaysay Nuux,Nuuxna waxay ahayd shaqadiisu inuu madxtooyada bajadkeeda,nidaamkeeda iyo shaqaalaheeda ku ee kaado,18-ka May iyo maalmahaasna khudbad ayuu akhriyi jiray mar mar,waxa ku xigay Aw Nuur, Xasan macalina waa ugu danbeeyay, Waxa hada jooga ninka la yidhaahdo Xirsi,Xirsi waad ogtahiin markaan dib u raacno waxa uu ahaa xubin ka tirsan diiwangalinta siduu kaga tgayna waad ogaydeen,diiwangalintii lacagta badan ay ku baxday Xirsi isaga oo ka faa’idaysanaaya aqoontuu u lahaa markay gobaladan galbeedka dhaaftay waad ogaydeen in gobalada Sool iyo Sanaag uu gaadhsiiyay 500 kun,sidaasna ay diiwangalinti inagaga xumaatay.”

Wuxuu guddoomiyaha UCID Wasiir Xirsi u jeediyay eedaymo culus, waxaanu yidhi “2008-dii Xirsi inta uu laba baabuur kurta ka jaray oo uu qoryo saaray ciidamadeenuna ku baxeen,oo markii horena intuu beeshiisa u yimi uu ku yidhi waxaan doonayaa inaan in qilaab sameeyo,  oo ay yidhaadeen maxaad haysataa oo uu yidhi laba baabuur iyo 11 qof, waana tii la soo qabtay,waatii laga soo qabtay telefoonkii uu ku hadlaayay  oo la ogaaday inuu Al-shabaab la hadlaayay oo uu lahaa ciidamo isoo siiya waxaan qabsanayaa Samaliland-ne.waxa uu ahaa ninkii inta uu baaskoolad ula galay Rayaale oo madaxweyne ah, uu markuu ka soo baxay uu yidhi baaskooladii waan ula galay mar baan damcay intaan madaxa kaga dhufto inaan fadhiisto kursigiisa.”

Isagoo ka hadlaya doorashadii KULMIYE ka dib oo uu Wasiir Xirsi noqday Wasiirka madaxtooyada wuxuu yidhi  “Markuu Kulmiye helay doorashadii waxa uu ku soo baxay wasiirka madaxtooyada,waxa si cad u muuqatay Xirsi inuu ciyaarayo roolka raysal wasaare’nimo taas oo keentay in dhawr jeer uu madaxweyne ku xigeenku uu damcay inuu is casilo markuu arkay inuu ka maroorsaday taladii.wakhtigii Rayaale waxaynu ka caban jirnay lacagtaDekedu madaxtooyada ayay timaada,maanta inta lacagood ee timaada madaxtooyada ee uu xukumo Xirsi waxa weeye tii Dekeda, Haamaha,

 Maxjarka,Wadooyinka,waxa dheer 2% kii loo jaraayay Sool markii wasiirkii maaliyada ee hore Maxamed Xaashi uu laba jeer mashaariic ku gudbiyay ayuu madaxtooyada ku soo wareejiyay,dadkiina lacagtaasu ma gaadho oo waa laga jaray,waxa ku jirta lacagtii budhcad badeeda inkast oo uu nin kale madax ka yahay hadana isaga ayaa sida uu doono u maamula,Xirsi markii la jabsaday xisaabaadka Dahabshiil saddex xisaabood ayaa laga helay lacagta ku jirtana waad ogtahiin.”  

Wuxuu Faysal intaas raaciyay eedaymo kale oo culus oo uu Wasiir Xirsi u jeediyay, waxaanu yidhi  “ Ma is weydiiseen adduunkii idinla shaqaynaayay halkuu tagay, ma is waydiiseen dalalkii jiiraanka ahaa halkay tageen,maxaa Ingiriis eryay,ma is waydiiseen maxaa laynagu aamini waayay in hawlgalada argagaxisada lagu fulinaayo aynaan inagu hoggaamin ee ay dad shisheeye ah ay maamulaan,saddex jeer way ka badantahay inta lagu yidhi madaxweyne Siilaanyo badal hebel, hebel iyo hebel oo uu kaw isagu ka yahay (Xirsi ),ninkii shalaytoole qaatay telefoonka Turayaha ah ee lahaa ee Shabaabka u yeedhay ee lahayo dadkuu la hadlay anagu wax la wadaagi maynee badal baa lagu yidhi,markii u danbaysay waxa uu madaxweynuu yidhi sadaxdaas nin waan badalayaa oo mid uun buu badalay,oo isagii waa uu daayay (Xirsi), maanta waxa inaga jeediyay aduunkii  ee Ingiriis eryay oo ahaa wadankii gacanta inagu hayay   ee  Maraykan uu u ictiraafay  Somaliya isag oo leh laba Shabaab u kala hiilin mayno,Shabaab qori sidata iyo shabaab soo dhexgashay doorashadii  oo ka dhex toosay odaygii ( Madaxweynaha )horta sidaas ayaa laydiinka tagay.arinta Somaliland kaligay iima taalo arinkana waa la galayaa oo dalkan waa loo soo dhintay,waxii aynu ku soo tacabnay arinkeedu waxa uu taagan yahay Xirsi iyo Somaliland hala kala doorto.dalkani dal uu Xirsi xukumo waa uu ka wayn yahay,wada hadalada Somaliland iyo Somliyana mid uu Xirsi masiirka umadan ku fadhiisto waa uu ka wayn yahay,Muuse Biixi,Cabdiraxmaan Ciro iyo Aniga sadexdayaduba waanu ku jirnay saddex dayadiibana waa uu naga reebay,nin imika raacay ayaan arkay Khamiistii, Jimciina  waa ay baxeen oo waxaan ku idhi todabada bisha ayuu shirku bilaabmayaaye wax ma ogtahay ( Waxba ma ogi ayuu yidhi) hadana waa ka mid maanta,dadkan sidaas ayaa loogu yeedhaa,dalkeenuna halkaas ayuu marayaa,arinka dalkan nin jeclaa iyo nin necbaaba gacantaa la galinayaa.”