Faysal Cali Waraabe Oo Sheegay Inay Xisbiyada Iyo Guddiga Doorashadu Kulan Ka Yeelan Doonaan In Doorasho Qabsoomi Karto Abaarta Jirta Darteed

0
592

Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha iyo murashaxa madaxweyne ee xisbiga UCID Md. Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay inay xisbiyada siyaasadda iyo guddiga doorashooyinku dhawaan isugu iman doonaan kulan lagaga tashanayo in doorasho la qaban karo, marka la eego abaarta adag ee dalka ka taagan.

1

Md. Faysal, oo u waramay telefishanka Universal TV, isagoo jooga magaalada London ee dalka Ingiriiska, wuxuu sheegay inay dalka ka jirto abaar adag oo u baahan gurmad qaran oo lagu badbaadinayo dadka iyo xoolaha. Sidaas daraadeed ayuu sheegay inay adagtahay inay doorasho qabsoonto iyadoo xaaladan lagu jiro, inkastoo uu sheegay inay jiraan siyaasiyiin uu sheegay inaanay danta dadka eegayn ee ay eegayaan danahooda siyaasadeed oo doonaya in doorashadu qabsoonto.

Ugu dambayn, wuxuu Faysal sheegay inay dhawaan isu iman doonaan xisbiyada siyaasadda iyo guddiga doorashooyinka islamarkaana isla eegi doonaan duruufaha taagan ee ka dhashay abaarta adag, ugu dambayna ay isla gaadhi doonaan go’aan.

Xaalad abaareed oo aad u adag ayaa haysata inta badan dadka reer guuraaga ah ee Somaliland, waxaanay badankoodu ka hayaameen gobaladii ay ku noolaayeen ee ay iska diiwaangeliyeen wakhtigii cod bixiyayaasha la diiwaangelinayay.