Faysal Cali Waraabe Oo Sheegay Inaan Wakhtigan Loo Baahnayn Furitaanka Wada Hadalada Somaliland Iyo Somaliya

0
749

Hargeysa(Geeska):-Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Ucid Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa ku taliyay inaan la bilaabin wada hadalada Somaliland iyo Somaliya, maadaama oo uu Madaxweynaha Somaliya galayo doorasho sannadkan, waxaanu dawladda Somaliland kula taliyay inaan si fudud loo isticmaalin, siyaasad ahaan.

1

Faysal oo shalay dalka ku soo noqday, wuxuu kaloo ka hadlay arrimo kala duwan oo dalka ka taagan. Arrinta wada hadalada Somaliland iyo Somaliya isagoo ka hadlaya wuxuu yidhi “Somaliland iyo somaliya ayaa ku kulmay wadanka Turkiga, anigu waxaan u arkaa arintaas mid aan loo baahnayn, dawlada Xasan Sheekh waa dawladii baabiisay wada hadaladii sida  fiican ku samaysmay, bishii hore ee March 2015-kii waa la ogaa wixii ay Turkiga u soo direen, hadana waxa lagu jiraa wakhti olole oo doorasho ayaa ku soo dhaw markaa in layna isticmaalo oo uu olole inaga dhigto Xasan Sheekh ma qurux badna, dawladana maaha mid lala wadi karo wada hadalo, inaga iyo Xasan sheekh iyo maamulkiisa waynu is naqaanaa kana daacad maaha, waxaanan jecelahay in inta ay dawladaasi meesha ka baxayso aan wax wada hadal ah lala yeelan.”

Isagoo ka hadlaya safarkii uu dibadda ugu maqnaa wuxuu yidhi  “Anigu waxaan ku maqnaa hawlo qaran iyo kuwa xisbigu leeyahay si fiicana way iigu soo dhamaadeen, waxaanan aad iyo aad u hambalyeynayaa dadkeenii dibada oo hada baraarugay oo dardar cusub galiyey aqoonsiga somaliland iyo sidii ay u wada shaqayn lahaayeen taas ayey ahayd sababtii aan u tagay Sweden ka bacdina waxan tagay Ingiriiska  waxaanan ku soo noqday imaaraadka.”

Sidoo kale gudoomiye Faysal Cali Waraabe ayaa ka hadlay dacwada musharax Jamaal Cali Xuseen iyo garabkiisu u gudbiyeen guddida diwaan gelinta ururada siyaasada waxaanu yidhi “Sharci ayaa jira, wixii sharci ahina guddida diwaan gelinta ayuu yaalaa waanan ku faraxsanahay in guddida diwaan gelinta wakhtigii loo kordhiyo, qofkii dacwad qabaana guddida diwaan gelinta ayuu gaysan karaa laakiin maaha in maalin kasta warbaahinta xisbiga laga dacaayadeeyo, gudoomiye kale loo sameeyo, gudiyo kale la sameeyo  waxaan caado inagu soo marin, aduunkana intaas ayaanu xisbi ku jirnoo lama arag xisbi nidaamkiisii mid kale laga ag sameeyo oo warbaahinta uun laga hadlo, waxaanan leenahay xisbigu wuu u  furan yahay qofkii damac hayo ee golaha dhexe ku jira.”

Gudoomiye Faysal Cali Waraabe ayaa dhinaca kale taageeray mashruuca lagu xidhayo banka qoolcaday, waxaanu dawladda u soo jeediyey inay dadka ka dhaadhiciso faa,iidada mashruuca waxaanu yidhi “Dawladu marka ay mashruuc qabanayso waa inay umada ka raaridaa waxa ay u qabanayso maaha inay dusha kaga keento, waa inay dadka meesha dagan uga warantaa mashruuca faa,iidadiisa, sababaha loo hir gelinayo iyo dheefta ka soo galaysa hadii kale ninka khaayinka ah ee beenaalaha ah ayaa tagaya oo been sheegaya, Been fakatayna runi ma gaadho ayaa la yidhi, markaa waxaanu leenahay mashruucu ha socdo, biyo ayaa la qodayaa dhulka ayaa nabaad guurka laga celinayaa jiilaalkii marka ay xumaatana waa la furayaa.”

Ugu danbayn gudoomiye Faysal Cali Waraabe waxa uu ka hadlay masiibadii ay ku dhinteen dhalinyarada Somaliland ee ka dhacday badda, waxaanu tacsi u diray guud ahaanba shacabka somaliland iyo eheladii ay ka baxeen dhalinyaradaasi.