Faysal Cali Waraabe Oo Naqdiyay Khudbadii Madaxweyne Siilaanyo

0
544

Picture4Hargeysa(Geeska):-Guddoomiyaha xisbiga UCID Md. Faysal Cali Waraabe, ayaa naqdiyay qaybo ka mid ah khudbadii uu Madaxweyne Siilaanyo jeediyay 18 May.

Guddoomiyaha xisbiga Ucid Eng.Faysal Cali Waraabe ayaa hadalkan ka sheegay mar ay shalay qaar ka mid ah warbaahinta kula hadlayeen magaalada Hargeysa. Eng.Faysal Cali Waraabe, ayaa waxaa uu tilmaamay in madaxweyne Siilaanyo uu golaha Guurtida ku sifeeyey kuwo distoori ah balse waxaa uu Eng.Faysal tibaaxay in Guurtidu ay yihiin gole ku fadhiya sifo sharci darro ah oo hada aan mar qudha dib loo soo dooran muddo 24 Sanno ah. "Khudbadii Siilaanyo anigu Laba arrimood ayaan ku arkay oo aan odhan karaa labadaba looma baahnayn, mid waxa weeyaan iyada oo madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo isaga oo ogaa in Somaliland oo jabhad ah ay ciidankii xooga badnaa ee Maxamed Siyaad Barre marka Nayjeeriya laga reebo waxii saxaraha ka hooseeya ugu xooga weynaa in aynu burburinay oo Illaahay inoo burburiyey oo laga adkaaday. In uu ka cabaado ciidamo hada la yidhi waa la isku keenayaa oo uu yidhaahdo ciidamada la samaynaayo annaga na loo samaysanayaa oo uu innaga tuso jilayc taas looma baahnayn, waxa weeye Soomaaliya haday wax kasta sameeyaan mar kasta innaga ayaa ka adag, Koow markasta waxa aynu uga adkaanaynaa innagu xaq u dirir ayeynu nahay mar walba, waayo gardaro ma rabno, xaqeena ayaana aynu daafacaynaa.marka runtii waan ka xumahay in uu shacbiga babiso ku rido oo uu tuso sidii oo la innagu soo duulaayo oo la inna qabsanaayo oo kale.”.Ayuu yidhi Eng.Faysal Cali Waraabe.

Guddoomiyaha xisbiga Ucid Eng.Faysal Cali Waraabe, oo sida oo kale hadalkiisa sii wata, ayaa waxaa uu yidhi:“Arrinta kale ee Labaad waxa weeyaan Madaxweynahu shir ayaa uu fidiyey, waanu is aragnay, waxaanu ku nidhi gaaladaa iyo shisheeyahaa soo socda aynu innagu waxeena ka hor tagno, gogashii ayaa uu fidiyey, waxaa uu yidhi hadana Guurtidu waa Distoorhada waxaan xasuusinayaa Axmed Maxamed Siilaanyo 2009kii markii aanu diidnay ee Guurtidu in ay soo fara galiso doorashooyinka ee aanu Lixda qadob qaadanay ee la yidhi Guurti shaqo kuma laha marka miyaanay distoori ahayn, maalintaas ayey dhammaatay in Guurti danbe ay ka taliso doorashooyinka, waxaana hawshii la wareegay Komishanka. marka in uu shalay yidhaahdo Guurti yaan la gayn oo distoori maaha, maantana marka ay tiisii gaadhay uu yidhaahdo waa distoori, waxaanan taas u arkaa in aanay ahayn hadal nin weyn. Guurtidu distoori ma'aha billaa sharci ayaa ay ku fadhidaa, sharci darro ayaa lacagtii umadda loo siiyaa, mushahar waxay qaataan xaaraan ah, kuwii la soo doortay 24sanno horteed wakhtigoodii waa uu dhammaaday.maantana haddii aanu taas ku heshiin weyno oo halkaas ay wax ka soo bixi waayaan oo Komishankii ay Saddexda xisbi wada ogalaadeen ee Guurtidu oggalaatay waxay soo saareen 2009kii la oggalaan waayo, iska daa iyaga e' balan waxaan ku qaadayaa in xataa dhismaha Guurtida dhagax loo qaado oo la burburiyaba ayey ku dhawaanayaan mar haddii shacbiga Somaliland aanay ka turjumayn baahidiisa.".