Faysal Cali Waraabe Oo Markii Saddexaad Loo Doortay Murashaxa Madaxweyne Ee UCID

0
502

Hargeysa (Geeska)-Xisbiga UCID ee uu hoggaaminayey Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng: Faysal Cali Waraabe ayaa  doortay Murashaxa Madaxweyne, waxaana Musharax Madaxweyne ay u  doorteen Eng. Faysal Cali Waraabe,waxaana lagu doortay Shirweynihii aan caadiga ahayn ee shalay.

1

Shirweynihii lagu doortay Musharaxa Madaxweyne ee Xisbiga UCID u matali doona Doorashada Madaxtooyada ee 2017, ayaa waxa Faysal Cali Waraabe u codeeyey inuu Musharax noqdo 93 xubnood oo ka tirsan Golaha Dhexe ee xisbiga UCID, waxaana xilkan Musharaxnimo Faysal Cali Waraabe kula tartamayey laba musharax oo ka tirsanaa Golaha Dhexe, hal Musharax uu tanaasulay, halka Musharaxa  kalena ee la tartamayey ee Maxamed Jaamac Cabdi ay u codeeyeen  37-xubnood.   

Hase yeeshee waxaan halkaas lagu dooran murashaxa madaxweyne-xigeen ee xisbiga UCID, waxase la soo xuli doonaa 45 cisho gudahood, waxaana si gaar ah u soo xulan doona Faysal Cali Waraabe.

Dhanka kale waxa isna halkaas lagu doortay  Guddoomiye ku xigeenka saddexaad iyo Xoghayaha  Xisbiga UCID, waxa Guddoomiye ku xigeenka saddexaad loo doortay Siciid Cumar Axmed (Siciid UCID), halka isna Xoghayaha Xisbiga  loo doortay Maxamed Cali Madoobe (Jiir).

Faysal Cali Waraabe oo isagu ugu dambayntii halkaas ka hadlay ayaa sheegay inuu aad ugu mahadnaqayo Guddida Diiwaangelinta oo Shirkiisa ku tilmaamay mid sax ah oo sharciga waafaqsan, waxaanu tilmaamay inay xaqiiqada ka hadleen, waxa kale oo uu u mahadnaqay Xubnaha Golaha Dhexe ee Xisbiga UCID, waxaanu sheegay in haddii la doorto inuu dalka horumar gaadhsiin doono, inuu dhisi doono Xukuumad tayo leh, inuu Waxbarashada dawliga ah  bilaash ka dhigi doono iyo  inuu dalka ictiraafka u keeni doono,.