Faysal Cali Waraabe Oo Ka Hadlay Isbedelada Ka Socda Gobalka Iyo Saamaynta Ay Ku Yeelan Karaan Somaliland

40
3761

Hargeysa (Geeska)-Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee UCID Eng:Faysal Cali Waraabe, ayaa ka hadlay is bedelada ka socda Wadamada Geeska Afrika, waxaanu tilmaamay in is bedeladaasi saamayn ku yeelanayaan Somaliland, balse loo baahan yahay in Somaliland aanay ka hadhin is bedeladaas ka socda Geeska, ee loo baahan yahay inay la jaanqaado, oo ay doorkeeda ka ciyaarto.

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee UCID Eng:Faysal Cali Waraabe oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale baaq nabadeed u diray labada Beelood ee dagaalku dhexmaray, waxaanu ugu baaqay inay joojiyaan colaada iyo dagaalka, waxaanu ugu horeyna isagoo ka hadlaya is bedelada ka socda Geeska ayaa yidhi “Is bedeladaas deg dega ah ee xawliga ah ee ka socda Geeska Afrika waa is bedelo, u socda dhinaca wanaagsan, waana is bedelo loo baahnaa, inagu haddii aynu nahay Somaliland waxaynu ka mid nahay Wadamada Geeska Afrika, waxaana xaqiiqo ah in is bedeladani saamayn inagu yeelanayaan, sidaas oo ay tahay waxaa haboon inaynu doorkeena ka ciyaarno is bedelada xawliga ah ee ka socda Wadamada Geeska Afrika, oo aynaan ka gaabinin, waxaa sidoo kale haboon inaynu is muujino, oo si wada jira ah u muujino qaranimadeena iyo jiritaankeena, kuna muujino xaalada kasta ama talaabo kasta oo aynu qaadi karayno, mana haboona inaynu is bedeladaas socda inaynu ka hadhno”.

Eng:Faysal Cali Waraabe mar uu ka hadlaayey Somaliland iyo Somaliya ayaa yidhi “Wadan kasta, Dal kasta, Qaarad kasta iyo Cid kastaba waxaanu leenahay Somaliland Somaliya ka mid maaha, ee waanu kala madax banaan, siday Eratariya iyo Itoobiya ay u kala go’een ayaanu Somaliya iyo Somaliland u kala go’een, laba dal ayaanu kala nahay,  ee marnaba ha isku kaaya khaldina, mar baanu isku biirnay, aanu raadinaynay shanti Somaliyeed, balse markii ay suurtagal noqon weyday, ee waliba cadaadis iyo dhib badan na soo gaadhay ayaanu dib ula soo laabanay xoriyadaydii, ee waxaanu Somaliya leenahay aynu ahaano laba Dal oo jaara, sida Itoobiya iyo Eratariya”.

Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng:Faysal Cali Waraabe, ayaa sidoo kale baaq nabadeed u diray labada Beelood ee dagaalku ku dhexmaray dharkeen-geenyo, waxaanu ugu baaqay inay ka digtoonadan inay dhiig dambe bilaa sabab ku daadiyaan, waxaanu sidoo kale ugu baaqay inay nabada qaatan, oo ALLE ka cabsadaan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here