“Ilaa Hay’adihii Inala Shaqaynaayay Ayaa Cabaadaya Oo Leh Musuqmaasuqii Ayaa Cirka Maraaya, Markaas Waa Ceeb Oo Waa Wax Cusub Oo Inagu Bilaabmay”
Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha xisbiga UCID Md. Faysal Cali Waraabe, ayaa ku hanjabay inaanu xisbigiisu doorashada ka qayb geli doonin haddii aan la qaadan talada deeq bixiyayaasha ee la xidhiidha inaan dhaqaale loo hayn haddii doorashada lagu galo go’aanka golaha guurtida ee ah in astaamo lagu galo doorashada, halkii tirooyin lagaga geli lahaa.
Md. Faysal, oo xalay u waramay Wargeyska Geeska Afrika,waxa kale oo uu cambaareeyay qodobo ku jira xeerka doorashooyinka oo uu sheegay inuu isku fuudhiyay shirugdoonka golha wakiiladu, waxa kale oo uu Faysal ka hadlay xaaladda musuqmaasuq ee dalka, waxaanu ceeb ku tilmaamay in awoodda dawladeed lagu takri falo. Faysal oo uu Geeska Afrikawaraysi gaar ah la yeeshay, wuxuu waraysigii u dhacay sidan:
Gudidii doorashooyinku waxay idiin soo bandhigeen inay caqabado hortaagan yahiin doorashadii. Haddaba caqabadahaasu intay saamayn ku yeelan karaan qabsoomida doorashada golayaasha deegaanka?
Horta mushkilada ina haysataa waxa weeye xeerka 14-ka doorashooyinka ee la sameeyay ; xeer waxa weeye ay dad gaar ahi samaysteen, oo haddaad xeerkaas aragtid taariikhda sheegi doontee mid umadda loogu talo galay maahee waa mid laysku qiyaasay, waana xeer gudoomiyaha baarlamaanku uu sida uu doono u isticmaalayay, markaas qodabkan ah calaamadaha iyo ka lanbarada maadaama oo ay asxaabtii bateen waxii wax ay inoogu suurto galayaan inaynu isticmaalno weeye, markaas lanbarkaas ay soo jeediyeen komishanka iyo adduunka oo ah dadka inaga taageeraya doorashada in la qaato weeye.
Cali Guray oo xisbigiina Ucid kamid ahi waxa uu sheegay in aanay xukuumadu diyaar u ahayn doorashada oo aanay dabada ka riixayn, adiga siday kuula muuqtaa?
Komishankii waxan ay is hortaageen oo ay yidhaahdeen waxaasu suurto galmaaha waa qodabkan lixaad ee dad ay gaar u samaysteen ee ay yidhaahdeen waa in boqolkiiba labaatan laga helaa gobalada oo qofkii 2500 oo cod helaa boqolkiiba labaatan waa uu gaadhayaa, Hargeysana boqolkiiba labaatanku waxa uu imanayaa 60,000 oo cod, markaas qodobkaas waa mid ay diyaar garaysteen raggii baarlamaanka ku jiray ee gudida ahaa, si ulakac ah oo ay dantoodaa u samysteen. Qodbakaasna imika waxaanu ka soo saaraynaa qaraar in aanan doorasho galayn sidaa ay u sheegeen deeq bixiyayaashu haddaan la bedalin.
Maxaad markaas imika talo ku soo jeedin lahaydeen ka xisbi ahaan ?
Talo waxan ku soo jeedinaynaa in doorashada la qabto intaan sanadku dhamaan, shuruucda baarlamaankana in aan laysku qiyaasin ee waa inay noqdaan shuruuc umadda oo dhan u danaysa oo la kala dhaxlo, xukuumadana waxaan leenahay waxii shuruuc ah ee inaga nusqaamay waa in ay dardargalisaa oo dabada ka riixdaa golayaashan. Waxaanan leeyahay dawladu xilkeeda haka soo baxdo haddii kale iyada ayaa loo qaadan doonaa in aanay doorashada raali ka ahayn.
Ugu danbayntii gudoomiye Faysal wakhtigii aad mucaaradka ahaydeen idinka iyo xisbigan talada haya ee Kulmiye, dhaliilahii u badnaa ee aad u soo jeedin jirteen xukuumadii hore waxay ahaayeen musuqmaasuqa, adiga oo waliba eegaya in hantidhawrka qaranku baadhitaano badan sameeyay balse ilaa hadda aan laga soo saarin natiijo muuqata, halkee uu marayaa maanta heerka musuqmaasuqa ee dalku?
Hay’ad musuqmaasuq marka la sameeyo waa inay noqotee hay’ad ka madaxbanaan xisbigaas talada dalka haya, waanad ogtahay oo iyagiibaa xisbigeedoo madax uga dhigtay, markaas is baadhimayso, laakiin qaylo badan ayaa jirta, oo dibad iyo gudaba waa la qorayaa oo wax la leeyahay musuqmaasuqii faraha ayuu ka baxay. Haddaan wax laga qabana dhibaato weyn ayaa wadanka ku iman doonta, oo inay dadkii qaarna lacagaystaan qaarna bakhtiyaan, oo awoodii dawladeed lagu tagrifalo, oo wasiirku ka sareeyo sharciga, ilaa hay’adii inala shaqaynaayay ayaa cabaadaya oo leh musuqmaasuqii ayaa cirka maraaya, markaas waa ceeb oo waa wax cusub oo inagu bilaabmay.