Hargaysa( Geeska )-Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa walaac ka muujiyey sida ay dalka uga qabsoomayso doorasho cadaalad u dhacdaa, isaga oo eedayn kulul u soo jeediyey xukuumadda oo uu sheegay in halkii ay kaga mashquuli lahayd h awlaha qaranka ay ka shaqaynayso burburinta asxaabta siyaasadda. Waxaanu cod dheer ku cambaareeyay xeerka sirdoonka oo horyaala Madaxweyne Siilaanyo kaas oo ay ku jiraan qodobo dibin-daabyo ku ah saxaafadda iyo bulshada.
Waxa uu sidan ku sheegay gudoomiyaha xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng.Faysal Cali Waraabe shir jaraa’id oo ay ku qabteen xafiiska xisbiga UCID isaga iyo Xoghayaha guud ee xisbiga UCID Axmed Aadan Ismaaciil ( Axmed Kayse ) iyo Xildhibaan Maxamed Faarax Qabille.
Xoghayaha guud ee xisbiga UCID Axmed Aadan Ismaaciil ayaa dhankiisa xukuumada ku dhaliilay inay tartankii ka dhigtay mid ay qabyaalada ku hurinayso, isla markaasna hantidii dadweynaha u adeegsanayso iibsashada musharaxiinta ururada iyo xisbiyada uga tartamaayay golaha deegaanka.
Faysal Cali Waraabe oo shirkaas jaraa’id ugu horayntii ka hadlay waxa uu yidhi “Shirkani waxa uu ku saabsan yahay guud ahaanba ololaha doorashooyinka Somaliland halka ay marayaan iyo laba xeer oo ay dhawaan labadda gole ee Guurtida iyo wakiiladu dhawaan ansixiyeen, kuwaas oo kala ah ka sirdoonka iyo waliba ka saxaafadda. Haddii aan ku horeeyo ololaha doorashooyinka waxa aynu gelaynaa wareegii saddexaad, waxaanad moodaa in uu dalka guud ahaantiiba olole uu ku jiro. Haddii aynu soo qaadano Golaha Wakiiladda xeer 14 ayaa u ogolaanaya oo waxa ay galeen olole, xildhibaanadii Wakiiladu nin waliba waxa uu galay urur dabadeedna, waxa ay u ololeynayaan, Golaha guurtidu dhincabuu u ololeynayaan, Wasiiraddii, Agaasimeyaashii, Maareeyayaashii ayaa iyaguna ololaynaya, markaa waxa meesha ka maqan cududii saddexaad ee inoo gar-qaadi lahayd, mar haddii ay xukuumaddii oo ugu sareeyo Madaxweynihii ololihii ka qayb galay.” Guddoomiye Faysal Cali Waraabe waxa uu intaas ku daray “Xeerarkan la sameeyay ee ka hadlaya Sirdoonka waxa aad moodaa in laga soo dheegay xeerkii Maxamed Siyaad Barre, waxa aad moodaa in uu yahay mid lagu Cabudhinayo dadka reer Somaliland, la doonayo in wixii aynu ka soo noolaanay ee ahayd Xorriyatul qawlka ka soo horjeeda, ilaa waxa uu doonayaa in dadka reer Somaliland siyaasi iyo cid kastaba la duubo, waxa uu fasaxayaa in haddii aad madaxweynaha wax ka sheegto lagu xidho karo."
Guddoomiyaha Xisbiga UCID oo hadalkiisa sii wata, waxa uu yidhi "Waxa aad moodaa in xeer 14 oo aynu dhawaan sii daynay oo loo bixiyay shirqool 14, maalintii aynu kaa sii daynay ayaynu dhacnay. Kaas iminka Warbaahinta ee la leeyahay haddii uu wax qoro xitaa qalabkiisii ayaa lala wareegayaa, waxa aanu ugu baaqaynaa ururada siyaasadda inta madaxa banaan aanu ka hadalno, dadweynaha iyo ururadda bulshadana waxa aanu doonaynaa in aanu iska kaashano oo aynaan xeerkaasi sii daynin waayo qaranimadii Somaliland ayaa meel khatar ah geli doonta
intaas kadib waxa shirkan jaraa’id ka hadlay Xogyaha guud ee Xisbiga UCID Axmed Aadan Ismaaciil, waxaanu xukuumada u soo jeediyay eedaymo kala duwan “ Ururada iyo xisbiyada wax lagu qasbay in intii la rabay ay sharaxaan iyada oo culays nagu ahayd, waxaanu bixinay lacagtii musharaxiinta laga doonayay waxa naga gaadhay hawl iyo tacab. Komishanka doorashooyinkuna waxay ku tabceen warqadii codaynta lanbarsiinta iyo waxyaabo kaleba, halkaas waxaad ka garanaysaa musharaxii wakhtiga iyo dhaqaalaha galay, arintaas oo ay xukuumadii si kale u adeegsatay waxaanu cadaymo u haynaa in deegaanada qaar laga dabagalay musharxiintayadii oo la tanaasulsiiyay, qaarkood dhaqaale la siiyay, qaarkalana la shaqaaleeyay, qaarkalana lacag iyo mansab loo balan qaaday, taasina waxay dhabar jab ku tahay dimuqraadiyadii, waxaana aad mooda In xukuumadii ururdii u galisay shaadh qabiil, habeen hore ayaa ugu danbaysay oo madaxweynaha musharaxiintayadii xibiga ayaa qaar loo geeyay, iyada oo lagu qancinaayo inay u tanaasulaan dhaqaalana la siiyo, waxan ururada iyo xisbiyada lagula dagaalamayaa waa hantidii dadweynaha ee loo sinaa.”
Shirkan Jaraa’id ee uu qabtay Guddoomiyaha Xisbiga UCID waxa ku wehelinayey Xogyaha guud ee Xisbiga UCID Axmed Aadan Ismaaciil (Axmed-kayse) iyo Xildhibaan Maxamed Faarax Qabille, kuwaas oo dhaliilo kulul u jeediyey Xukuumadda Madaxweyne Siilanyo.
Comments are closed.