Hargeysa(Geeska):-Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee UCID Eng:Faysal Cali Waraabe oo muddo afar bilood ah dalka la maqnaa muddo afar bilood ahna Wadamo ka tirsan Yurub iyo Asiya isku soo maray, oo Shalay dalka dib ugu soo laabtay ayaa waxa uu ka waramay xaalada uu dalka marayo, waxaanu sheegay inay Somaliland cadaw badan leedahay, balse aanay war isku haynin, oo ay iyadu isku mashquulsan tahay, waxa kale oo uu ka hadlay Doorashada dib u dhacu ku yimid, sababta keentay inay dib u dhacdo iyo cida sababta u ah.
Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa sidoo kale ka hadlay safarka uu ku joogo Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Cirro dalka Turkiga iyo wararka la xidhiidha inuu la kulmayo Madaxweyanaha Somaliland, waxa kale oo uu Madaxweynaha ugu baaqay inuu fidiyo Gogol lagaga tashanyo aayaha iyo jiritaanka Somaliland isaga oo xusay in xisbiga UCID yahay xisbiga qudha ee Mucaaradka ah, waxaanu ugu horeyn hadalkiisi ku bilaabay “Afar bilood mudo ku dhaw ayaan dalka ka maqnaa waxaanan ku maqnaa dan qaran markii aan arkay inagii oo isku jeesanay dantii qarankuna baylahday, dadkii iga caawiyeyna waan u mahad naqayaa, waxaanan maray ilaa toban dal, marka ugu horaysa waxaan aad ugu farxay in la bilaabo Qisaasta dadkii dilka gaystay, dad islaam ah ayeynu nahay waxaana ciqaabta loo soo saaray in inta kale la badbaadiyo, mana aha inaynu ogolaano sharciga bila aadanka waa inaynu ka ilaahay ixtiraamno, qofkii wax dilay waa in la qisaasaa waana inaanay lixdaas ku istaagin.”
Faysal Cali Waraabe mar uu ka hadlaayey Dekeda Berbera waxa uu yidhi “Dekedihi hareeraha inaga xigay oo dhan ayaa waynaanaya,Jabuuti afar ayey dhisanaysaa, Boosaaso ayaa socota, aduunkana maanta dekedaha waa la horu marinayaa, markaa inay qolo dilaaliin ah iyo qolo leh yaanay gacantiina ka bixin inay isku keen buuqaan maaha, laba xoog ayaa is haya qaar waxay doonayaan inay meesha iska haysataan oo maareeye yari iska haysto qolona waxay doonayaan inay dilaasho oo aanay danta umada eegine yaa dilaal badan ay eegaan, laakiin haddii aynaan dekedaas ka shaqayn dadka soo dalbadayna si cadaalad ah loo eegin, dad khibrad leh oo inagala taliyana aynaan dalban way inagu baaryeysaa waayo hareeraheena oo dhan ayaa la dhisayaa sidaas Saylac ayey inaga noqon doontaa, markaa waxaan leeyahay arinta dekedu waa inay wax cad noqotaa shirkadaha yimidna waa in si cadaalad ah loo kala dooraa.”
Faysal Cali Waraabe mar uu ka hadlaayey Doorashada dib u dhacday iyo cida sababta u ah ayaa yidhi “Doorashooyinku wakhtigooda inay dhacaan weeyaan, haddii ay dhici waayaana ogaan ayey u dhici wayday oo waa loo tashaday, Wakiilada ayaana danbiga leh, sadexda xisbi markii aanu ku shirnay akadamiga bishii labaad cidii diiday habkii aanu ku heshiinay waa la ogyahay , cidii kicisay Baarlamaanka ee tiri waar ka kaca waa la og yahay, waxa badan ayaa idinka qarsoon ”
Faysal Cali Waraabe ayaa mar uu ka hadlaayey dhibaatada uu qaadku ku yeeshay dalka iyo dadka ayaa yidhi “Dadkeenii waxa dilay qaad, Umaddeena saddex dalool laba dalool qaadka ayey cunaan, Dhaqaalaheena saddex dalool hal dalool qaad ayeynu ku bixinaa, Umad mirqaasana dal ma dhisi karto, waxa la cuni jiray Mijin ee hadda Geed ayaa la cunaa, walibana waxa cuna Ragga Dawladda u shaqeeya, oo iskugu faana ama laalush ha loogu geeyo,Umad geed cunaysaana dala ma dhisi karto, isa dal ee Magaalo ma dhisi karto, Siyaasad ma lihin, talo midaysan ma nihin, Shanta Sanno ee dawladda la doortayna qeylo ayey inagaga dhammaata, haddii la is maqli waayo oo sharciga la qaadan waayo habka aynu qaadanayna Madaxweynihii weynu caynay, xukunkiina koox yar ayey inta ay gacmaha isku duubaan ayey dhegahana xidhanayaan, waxaynu u baahan yahay in shir la iskugu yimaado oo la tashado, balse inay koox yari iska qabsato iyada oo boqolkiiba konton wax ka yari dooratay maaha.
Waxa loo baahan yahay in Shir la iskugu yimaado oo la dhisaa dawlad qaran waa danta qaranka todobaatan wasiir iyo ku xigeen looma baahnaa, maxay qabanayaan wasiir fiican oo farta lagu fiiqo oo ku haya halkii loogu talagalay ma jiro, reerba lagu maslaxaya, reer iyo qarana meel ma wada galaan, Barlamaankii wuu saaqiday, Guurtidii wey saaqiday, fulintii wey saaqiday, wax inoo shaqaynaya oo sidii la rabay u shaqaynayaa ma jiraan, cadawgeenina waa diyaar, Umadda Somaliland waxa aan leeyahay ka baxa qabyaalada, anigu waxa aan jecel ahay in aan Madaxweynaha la kulmo, Maalintii aan baxayna talo ayaan siiyey, Maantana talo ayaan siinayaa, Dibadda marka aad tagto ayaad oganaysaa waxaynu nahay, waxba la inooma ogola, rubuc qarni ayey jirnoo Iskuul maynu dhisan, Cisbitaal mayno dhisan Hargeysa ayaa Caasimadda ah oo ooman, dhulkeenii waa xaaluf, markaas waxa loo baahan yahay in dhaqankan la bedelo, Madaxweynuhuna inuu sharciga ilaaliyo weeye , Madaxtooyadu haddii ay sharciga jabiso, Barlamaankuna jabiyaan halkee loo ciirsanayaa, meel loo ciirsanayaa ma jirto, werwer weyn ayaa I haya, wixii talo ah waanu iskugu noqon doono Labada Xisi iyo Madasha”
Faysal Cali Waraabe mar uu ka hadlaayey Xisbiga UCID ayaa yidhi “Maanta Xisbiyadii Mucaaradka ahaa mid ayaa Dawladda ku jira,Dawladdu waa Barlamaanka iyo xeer dejinta, keligay ayaanu noqonay, anaga waa tii barigii la naka qeybiyey ee Xisbiga UCID la curiyaamiyey, Mucaaradna ma jiree Dawladdu labadaas ayey ka kooban tahay, labadiina waa heshiis, Madasha ayaanu sameeynay la maqli waa, imika waa la tashanayaa, buuq looma baahnaa, talo ayaa loo baahan yahay, in la isku yimaado oo Madaxweynuhu gogosha furo, Komishanku yimaado, Guurtida halkaas la dhigo, oo wixii lagu heshiiyey Guurtida ay saxeexdo, Indho inuu iska fadhiyo ayuu doonaya,ma fadhiyayo, Xaaji Cabdi Waraabe haddii uu doonayo inuu iska fadhiyo iska fadhiyi maayo, in sharciga la ilaaliyo weeye, in lagu gabado Doorasho ayaa dib u dhacday waan sii yuuruyaa maaha, Doorashadu dib ayey u dhacday, ma xaaran ayeynu ku fadhinaa, Barlamaanku waa xaaran, Guurtidu waa xaaran, tana waxaynu kaga baxaynaa Dawlad sharciyeysan”
Faysal Cali Waraabe mar la weydiiyey sida uu arko Safarka uu Guddoomiyaha Golaha Wakiilada uu ku joogo Dalka Turkiga iyo Warbaahintu warka ay ka qoreen ayaa yidhi “Arintaas waan maqlay, Ragna waan la soo hadlay, waxaana balanqaaday in aan halkan ka sheegin, laakiin arintaas waanu galaynaa”.
Dhanka kale Faysal Cali Waraabe ayaa ka jawaabay hadal dhawaan ka soo yeedhay Guddoomiyaha Barlamaanka Somaliya, waxaanu sheegay in Jawaahari looga baahan yahay inuu u taliyo oo uu wax ka qabto Gobolada uu ka soo jeedo oo aanu ku soo maraatayn Somaliland.