Faysal Cali Waraabe Muxuu Ka Yidhi Tabashada Ay Odayaasha Reer Awdal Soo Bandhigeen?

0
574

Picture5Hargeysa(Geeska):-Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng:Faysal Cali Waraabe ayaa si adag uga hadlay xaalada guud ee dalku uu maraayo,waxaana uu sheegay in beesha caalamka iyo meel kasta oo ay tagaanba la hordhigaayo in Somaliland la kala leeyahay,waxaana uu tilmaamay in ay shacabka reer Somaliland ay u baahan yihiin in ay isagu yimaadaan Talo-Qaran si baa uu yidhi looga wada hadlo tabashooyinka jira oo dhan.

Eng:Faysal Cali Waraabe ayaa hadalkan ka sheegay in shir-jaraa’id oo uu shalay ku qabtay garoonka diyaaradaha ee Cigaal International Airport ka dib socdaal muddo todobaado ah qaatay oo ugu maqnaa dalka dibadiisa,waxaana uu sheegay in haddii aan si fiican loo dhagaysan tabashooyinka ay hada muujiyeen Madax-dhaqameedka beelaha Somaliland ay wax kale soo bixi doonaan. "Somaliland waxaa ay u baahantahay in ay dib isu xisaabiso,waxaa loo baahan yahay Somaliland la wada leeyahay ta meel kasta na hortaala waxa weeye Somaliland waa la kala leeyahay,markaa waxaa loo baahan yahay in taas la saxo,waxaa lo obaahn yahay in arrimaha imika taagan ee laga hadlaayo oo dhanba in talo qaran laysagu yimaado oo Madaxweynuhu uu qaranka isagu yeedho,Ururka Khaarumo laga hadlo,Awdalna waad ogtihiin Odayaal baa halkan yimi si wanaagsan baa ay u yimaadeen oo hada waxaa ay taagan yihiin waar dee waxii ha lala qaybsado oo si xaqa ha loo qayb sado oo cadaalad ku jirto oo ay ku dheehan tahay hadaan dee iyagana loo jawaabin oo aan la dhagaysan wax kale ayaa ka soo bixi doona,markaa waxa weeye Somaliland waanu wada lahayn socon mayso”Ayuu yidhi Eng:Faysal Cali Waraabe Eng:Faysal Cali Waraabe oo hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu yidhi:“Aduunka waanu u soo sheegnay in cidkasta oo Somaliland ah oo wax tabanaysa la dhagaysto,waanu u soo sheegnay in Kooxda Khaatumo aanay ma talin beelaha halkaasi ka soo jeeda oo dhan laakiin ay koox yar oo gaar ah ay yihiin ujeedo kalena ay leeyihiin,markaa waxaanu dawlad iyo shacaba aanu u sheegaynaa in aan gurigeena hagisano,haddii aanaynaan gurigeena hagaajisan oo ay umaddu ay wax kala tirsanayso oo wax la kala sheegto wax weeye markaa ma soconayso,iska dhaaf wax kaloo tan aynu haysanaa lay noogu imanayaa".