Farmaajo Oo Weji Gabax Kala Kulmay Safiirka Maraykanka Oo Uu Ugu Tagay Xerada Xalane

57
3781

Muqdisho(Geeska/W.Wararka)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo ayaa cambaarayn kala kulmay goobta uu waraaqaha aqoonsiga kaga guddoomay safiirka Maraykanku u soo magacaabay Soomaaliya Danjire Donald Yamamoto.

Mr. Farmaajo ayaa danjire Donald Yamamoto wuxuu waraaqaha aqoonsiga kaga guddoomay Xerada Xalane, oo uu ku soo degay safiirku. Safiirka ayaa sida muuqata wuxuu madaxtooyada Soomaaliya ka shakiyay ammaankeeda, waxaanu Madaxweyne Farmaajo ugu yeedhay xerada Xalane oo loogu sameeyay munaasibad kooban.

Dadka falanqeeya ammaanka ayaa tilmaamaya in sababta uu safiirku u tagi waayay xarunta madaxtooyada ay tahay ammaanka madaxtooyada Soomaaliya oo ay hay’adaha ammaanka Maraykanku uga digeen, iyadoo Madaxweyne Farmaajo lagu qanciyay inuu Xerada Xalane kaga guddoomo safiirka waraaqaha.

Dadka Soomaaliya ayaa si weyn ugu cambaareeyay Farmaajo talaabada uu ku tagay xerada Xalane ee uu waraaqaha kaga guddoomay safiirka Maraykanka, waxaanay shacabka Soomaaliya Madaxweyne Farmaajo ku tilmaameen nin ay haysato awood daro siyaasadeed.

Shacabka ayaa Farmaajo ugu baaqay inuu ka hadlo sababta keentay inuu safiirka Maraykanka ugu tago xerada Xalane oo uu kaga soo guddoomo waraaqaha aoqonsiga.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here