Farmaajo Oo Cambaareeyay Go’aanka Donald Trump Ee Uu Xayiraadda Ku Saaray Somaliya

0
730

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillahi Farmaajo ayaa cambaareeyay xayiraadda Donald Trump uu saaray lix dal oo Muslimiin ah.

Madaxweyne Farmaajo ayaa haysta dhalashada Mareykanka iyo midda Soomaaliya. Dalalka uu Trump dadkooda ka mamnuucay inay u safraan Mareykanka waxaa ka mid ah Soomaaliya.

Wakaaladda wararka ee AP ayaa soo xigatay madaxweyne Farmaajo oo sheegaya in 150 kun oo qof oo Soomaali ah inay "gacan ka geysteen dhaqaalaha Mareykanka iyo bulshooyiinka Mareykanka qaabab kala duwan".

"Waa inaan ka hadalnaa waxtarka dadka Soomaalida ay ku leeyihiin Mareykanka, halkii aan ka hadli lahayn dhowr qof oo dhibaato sababay", ayuu yidhi madaxweyne Farmaajo."Waa muhiim in Soomaaliya ay sii wado shaqada ay uga guuleysaneyso Al-Shabaab", ayuu tilmaamay madaxweynaha.

Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya wuxuu hadalkaasi sheegay ka dib kulan uu Muqdisho kula yeeshay xoghayaha guud ee Qaramada Midoobeey Antonio Guterres.

Waxay labada masuul diiradda saareen sidii wax looga qaban lahaa abaarta saameysay malaayiin qof oo ku nool Soomaaliya oo dhan.

Isniintii, madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa soo saaray amar uu ku mamnuucay Muslimiinta lix dal inay Mareykanka u safraan.

Dalalkaasi waxaa ka mid ah Soomaaliya, Suudaan, Liibiya, Yaman, Suuriya iyo Iiraan. Wuxuu Trump sheegay in argagixisada uu ka difaacayo dadka Mareykanka.

Amarka waxaa qeyb ka ah in 120 maalmood la hakiyay dhammaan qaxootiga gali lahaa dalkaasi. Wuxuu amarkaasi dhaqan gali doonaa 16-ka bishan March.

Kaaliyaha Trump, Conway, waxay Fox News u sheegtay in Ciraaq ay suuragal tahay in laga saaro dalalka xayiraadda la saarayo.

Balse lixda dal ee kale ee diiwaankii hore ku jiray ee kala ah Soomaaliya, Suuriya, Liibiya, Yaman, Suudaan iyo Iiraan ayaa markale la filayaa in lagu rago xayiraad 90 maalmood ah.

Sikastaba, warqad uu qoray Congress-ka oo ay heshay wakaaladda wararka ee AP, waxaa lagu sheegay in amarka cusub aanu saameyn doonin dadka haysta dal ku galka saxda ah.

Conway waxay sidoo kale tilmaamtay in dadka haysto green cardka, ee dalalka la xusay ka soo jeeda aanu saameyn doonin amarka la filayo inuu madaxweynaha saxeexo.

Qaxootiga ayaa sidoo kale la mamnuuci doonaa 120 maalmood, sida ay ku warrantay Reuters. Balse Conway waxay muujisay in qaxootiga Suuriya oo dhan aan la hor istaagi doonin.

Garsoore federaal ah oo diidayay inuu amarkii hore dib uu u soo celiyo, wuxuu ku dooday in dowladda aysan muujinin cadeynta sababta amarka loo soo rogay.

Sidoo kale maxkamadda waxay sheegtay in go'aanka uu xannibay awoodda shaqsiga uu ku safri karo.