“Farmaajo Hadduu La Mid Noqdo Madaxweynayaashii Ka Horeeyey Weynu Khilaafaynaa” Wasiirka arrimaha gudaha Md. Faratoon

0
519

Hargeysa (Geeska)-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Guddaha Somaliland Prof: Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), ayaa ka hadlay Madaxweynaha cusub ee Somaliya, waxaanu ugu baaqay inuu ixtiraamo madax banaanida iyo qaranimada Somaliland, waxaanu sheegay in aanay cidna uga habraynin jiritaanka Somaliland.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Guddaha Somaliland Prof: Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale Bulshada reer Somaliland ugu baaqay inay isku duubnadaan, oo qadiyadooda iyo qaranimadooda ilaashadan, waxa kale oo uu ka hadlay abaarta, sicir bararka iyo qodob kale, waxaanu ugu horeyn yidhi isagoo ka hadlaya Madaxweynaha cusub ee Somaliya

“Farmaajo ilaa hadda inamuu soo faragelin, wax inaga inagu saabsan oo uu Somaliland ka sheegayo kamaanu maqal marka laga reebo waanu wada hadli doonaa Somaliland, ilaa haddana wuxuu fikirkiisu yahay iyo waxa uu ka qabo Somaliland ma naqaano, laakiin Farmaajo haddii uu la mid noqdo Madaxweynayaashii ka horeeyey weynu khilaafayna,  cidna uga habran mayno Somaliland iyo jiritaankeeda, haddii uu se la yimaado siyaasad ka duwan weynu eegi doonaa, waxa se leeyahay Farmaajo aynu noqono laba dal oo jaar ah”.

Wasiirka Arrimaha Guddaha mar aanu wax ka weydiinay sida uu arko Doorashada Madaxweynaha Somaliya iyo sida looga hadal hayey dalka guddihiisa ayaa ku jawaabay “Dadku cid walba wey leeyihiin, warbaahinta oo aad loogala socday Doorashada Somaliya, oo aad loo daawanaayey, si kale dadkeenu umay danaynayn, ee madaama aynu nahay Somaliya dal aynu jaar nahay, wax dhibaato ah oo ku jirta ma jirto in la daawado, balse waxaan ku waaninayaa Bulshada Somaliland inay isku duubnadaan, inay qadiyada Somaliland meel uga soo wada jeestaan, inay isku gargaaran isna caawiyaan, nabadgalyadana dhankooda ka ilaaliyaan”.

Wasiirka Arrimaha Guddaha ayaa mar uu ka hadlaayey xurgufaha dhexmara Beelaha ayaa yidhi “Bila’aadanku wuu khaldamaa, oo gef uu ka dhaca, wixii ALLE qadarana cidi ma baajiso, waxaan se leeyahay wax yar oo fudud oo la xalin karo yaan dhiig lagu daadin, oo dagaal ka dhicin, Xukuumad ahaana waanu ka hawlgalanay, oo waanu dhex galay Beelo dagaalamay, oo colaadii dhex taalay, waanu soo af jarnay, waxaana mar walba ku talinayaa yaan wax yar oo basiid ah oo la xalin karo dhib ka weyn la ridin”.

Wasiir Faratoon ayaa mar uu ka hadlaayey Abaarta ayaa yidhi “Wali abaartii wey taagan tahay, gurmad baa loo baahan yahay iyo inay dadkeenu is caawiyaan, isna taakuleeyaan, oo dadkooda walaal ah ee abaartu sida gaarka ah u taabatayna ha caawiyaan, Caalamkana waxaan uga heli karno, ama qaadhan inaga dhexeeyo ha noqoto ama wax kale ha noqot Xukuumad ahaan waanu dadaalanay, dadaalkana waanu sii wadaynaa, waxaana ALLE ka baryeynaa inuu abaarta inag a jabiyo”.

Dhanka kale wuxuu Wasiirka Arrimaha Gudduhu ka hadlay qiimaha sarifka, oo uu ka digay in wax laga bedelo wareegtadii uu Madaxweynuhu soo saaray, waxa kale oo uu ka hadlay sicir bararka iyo maceeshada waxaanu ganacsatada kala duwan ee dalka ugu baaqay inay dadkooda danyarta ah u naxariistaan, maceeshadana u jabiyaan.