Falanqaynta Khudbadii Madaxweyne Siilaanyo Ka Jeediyay Burco Cumar Maxamed Faarax

0
860

Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Siilaanyo, waxa uu   jeediyay khudbad dheer oo uu kaga faallooday xaaladda dalka, dimuqraadiyadda iyo doorashooyinkaba, khudbadan wuxuu  kaga garaabay niyad-jabka ay dib u dhicii doorashooyinka ka qaadeen waddamada Somaliland ka gacan qabta dhinaca doorashooyinka.

Madaxweyne Siilaanyo oo ka hadlayay madal lagu qabtay Burco oo  loogu xafladeynayay daah-furka qorshaha sahaminta shiidaalka oo laga bilaabay wejigiisa koowaad gobollada Togdheer iyo Saraar, waxa uu jeediyay khudbad noqonaysa tii ugu saameynta badnayd sannadahan  u dambeeyay, waxaanu  kaga xaal waramay xaaladda wadanka iyo taabo-gelinta dimuqraadiyada.

Khudbadan u dambaysay  waxay tusmaynaysaa inuu doonayo inuu khaatumo wanaagsan iyo magac kaga tago xilka. Waxa hadalkiisa   ku jiray  halku-dhigyo badan iyo wixii  shacbigu ka naawilayeen inuu Madaxweynahoodu ka hadlo ka hor inta aanu xilka ku wareejin madaxweynaha shannaad ee Somaliland ee ka soo bixi doona doorashadda madaxtinimada ee lagu wado inay Somaliland ka qabsoonto dabayaaqada sannadkan.

Khudbadani waxay  u muuqatay mid uu kaga jawaabayay su’aalo badan oo shacbiga, mucaaridka iyo dalalka Somaliland la shaqeeyaa wax iska weydiinayeen, qaarna ku dhaliili jireen asbaabaha uu uga hadli waayay. Madaxweynuhu waxa uu oogta ka caddeeyay in muddada kooban ee uu xafiiska sii joogi doono uu awooda  dul dhigayo sidii uu uga shaqeyn lahaa in doorashada madaxtooyaddu ku qabsoonto xilliga loo cayimay.

Waxa kale oo uu sheegay inuu ixtiraamayo aragtiyaha ka soo horjeeda siyaasadda

xukuumadiisa.  madaxweynuhu  wuxuu khudbadaas ku soo qaaday sahaminta shiidaalka ee ka bilaabmay wadanka.

Dad badan oo mareegaha wararka iyo TV-yada ka daawaday khudbadiisa, ayaa ku sifeeyay inay ahayd khudbad uu si waaqica ku sallaysan  uu uga hadlay qodobbo waaweyn oo ahmiyad u leh dalka. Waxa qaar ka mid ah bulshadii daawatay ku tilmaameen mid u eg  ta uu ka jeedin doono dharaarta uu xilka ka degayo.

Waxa aan hoosta ka xariiqay qodobbadan:-

"Waxaan ka garaabayaa niyad jabka ay ku keentay dib-u- dhicii doorashadeennu, dalalkii aynu saaxiibka ahayn, ee innaga caawin jiray geedi socodka, dimuqraadiyadda iyo doorashooyinka"

"Marka aan si saraaxad leh u hadlo, ima farxad gelin, go'aankii ka soo baxay Golaha Guurtida, oo ku saabsanaa muddo kordhintii loo sameeyey Doorashooyinka Madaxtooyada, Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha Deegaanka"

"Mansabkan aan qaranka u hayo, waxaan ku imi si maamus leh, waxaanan jecelahay in aan kaga tago si sharaf iyo xarrago leh"

"Aniga oo ka duulaya wakhtiga yar, iyo hawsha badan ee ina hor taal, waxaan magacaabayaa, ama isu keenaya toddobaadkan guddi mustambeed ah, oo ay ku dhan yihiin saddexda xisbi qaran, xubno kooban oo ka tirsan xukuumadayda, gaar ahaan wasaaradaha qaabilsan shaqo ahaan, Guddida Doorashooyinka Qaranka, iyo goob joogayaal ama wakiillo ka soo jeeda deeq bixiyeyaasha ama dalalka inaga taageera nidaamka doorashooyinka."

"Waxaan farayaa guddida cusub ee mustambeedka ah ee toddobaadkan isu iman doona in ay gufeeyaan galdalooyinka jira, isla markaana, ay ka kaalmeeyaan, guddida doorashooyinka qaranka diyaarinta qorshayaasha loo baahan yahay, (Road Map and Framework).”

"Tallo wadaag, tawfiiq, iyo isu tanaasul, waa wixii aynu ku soo caano maallay ummad ahaan, Sidaa darteed, nin neceb iyo nin jecelba, waxa madaxdii qaranku markii aan ku martiqaaday madal loo dhan yahay, la gaadhay is fahan iyo heshiis qaran, taas oo dib-u-dhig ku samaynaya Doorashada Madaxtooyada muddo lix bilood iyo toban maalmood ah"

“Arrimaha ku saabsan doorka xukuumadaydu ka qaadatay taakulaynta abaaraha iyo qorshayaasha aan u diyaarinay mustaqbalka ka hor tagga dhibaatooyinka is beddelka cimilada Geeska Africa."

"Mashruucan sahaminta shidaalku, wuxuu si rasmi ah uga bilaabmay Gobolka Saraar iyo Togdheer, wuxuuna u gudbi doonaa Gobollada Daad-madheedh, Maroodi-jeex, Hawd iyo Sanaag"

“Soomaalidu waxay ku maah-maahdaa:"Soor baa lagu fadhiyaa, ee salli laguma fadhiyo". Siyaasadda qarankan aan ku hagayo, waxaa bud-dhig u ah, in la hirgeliyo horumar ballaadhan, iyo in la yagleelo nolol dadku dugsan karaan”

"Haddaba, si aynu ugu gungaadhno arrintan, waxaa la inooga baahan yahay in aynu la nimaadno tallo adag, tawfiiq wanaagsan iyo tabaabushe weyn".

"Waxaannu nahay xukuumad bisil, oo ay ku duugan tahay dulqaad, dad-wad, waayo-aragnimo iyo waayeelnimo. Sidaa darteed, waxaan soo dhoweynayaa dhaliilaha dhabta ah, ee runta ku dhisan, iyo toosinta wax lagu dhisayo ee maamulkayga loo jeedinayo"

"Dhinaca kale, waxaan

xtiraamayaa aragtiyaha ka soo horjeeda, hayaanka horumarka iyo higsiga himilada qarankan, ee aan hoggaankiisa hayo.”

Waxa la eegi doonaa sida madaxweynuhu u

dabaqo  hadalkiisan lagu diirsaday oo fulintooda iyo fulin la’aantoodu u horseedi doono inuu magac iyo taariikh ku kasbado  iyo inuu khaatumo xumaysto.

 

Cumar Maxamed Faarax

cumarmfaarax@hotmail.com