Fadhigii Shalay Ee Golaha Wakiilada Oo Ay Miisaaniyadu Xaraaradiisa Kicisay Iyo Xildhibaano Isku Muruxsaday

0
548

Hargeysa (Geeska)-Fadhigii shalay ee Golaha Wakiilada, oo uu shir gudoominaayey Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cabdiraxmaan Cirro), ayaa waxa ka dhashay buuq iyo sawaxan, iyadoo walibana qaar ka mid ah Xildhibaanadu is farsaari gaadheen.

1

Kal-fadhigan oo la doonayey in lagu ansixiyo ama lagu diido Miisaaniyad sannadeedka 2017, ayaa Guddoomiyaha Golaha Wakiiladu u yeedhay Guddoomiyaha Guddida Dhaqaalaha ee Golaha Wakiilada Xildhibaan Cumar Maxamed Saleebaan (Sanweyne), si uu Xildhibaanada ugu akhriyo warbixinta iyo xogta Miisaaniyadda 2017, ee loo soo gudbiyey, waxaanu Xildhibaan Cumar Sanweyne halkaas ka akhriyey warbixin dheer oo ku saabsan Miisaaniyadda, waxaanu tilmaamay inay isla garteen in laga saaro kharash loogu talagalay Ururka Dhakhaatiirta Somaliland, waxaanu sheegay in kharaashkaas ay ugu dareen abaaraha.

Warbixintaas kadib wuxuu Guddoomiyaha Golaha Wakiiladu soo jeediyey inay is qoraan  Xildhibaanada doonaya inay ka doodaan,balse taas waxa diiday Xildhibaano ka tirsan Xisbiga Kulmiye, oo iyagu ku baaqay in duuduub lagu ansixiyo Miisaaniyadda,halka Xildhibaanada Waddani-na soo jeediyeen in laga doodo, waxayna sheegeen in khaladaad badani ku jiraan Miisaaniyadda, oo loo baahan yahay in dib loo saxo balse waxa halkaas ka dhashay muran iyo buuq lid isku ah, waxaana is farasaari gaadhay oo la kala qabtay Xildhibaan SIciid Gaane oo ka tirsan Xisbiga Waddani iyo Xildhibaan Xasan Cawaale Caynaan oo ka tirsan Xisbiga Kulmiye.

Dhanka kale Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble, oo isna isku dayey inuu halkaas ka hadlo ayaa loo diiday, oo Xildhibaanada Kulmiye ku oriyeen, kadibna Guddoomiyaha Golaha Wakiiladu fadhigii wuu xidhay.

Xildhibaan Siciid Warsame Ismaaciil (Gaane), oo aanu wax ka weydiinay sababta keentay inuu dagaalamo iyo sida uu arko Miisaaniyadda ayaa yidhi “Golaha Wakiiladu wuxuu xaq u leeyahay in xeerarka laga doodo, balse Xildhibaanada Kulmiye ma doonayaan in laga doodo, Miisaaniyaddan na hor taalana khaladaad aad u badan baa ku jira, waxaana ka mid ah khaladaadkaas in iyadoo abaaruhu wali taagan yihiin in haddana ay ku jiraan waxyaabo kale oo aan daruuri ahayn sida qalabyo Xafiis, Gaadiid, Garoomo, waxay ahayd in kharashaadkaas lagu daro abaaraha, waxaynu ogeyn in Miisaaniyadda sannadkii hore in boqolkiiba sodon (30%), laga jaray Wasaaraddaha, sidaas oo ay tahayna meel uu kharashkaas la jaray ku baxay garan mayno, waxaanu ogeyn safarkii Madaxweynaha ee Gobolada Barri kharashaadkii ku baxay, markaas Xukuumaddani waa Xukuumad caado ka dhigatay inay siday doonto u isticmaasho hantida qaranka, oo aan cidna u joojinayn”.