Donald Trump Oo Taageeray Madaxweynaha Dalka Ruushka

0
515

Madaxweynaha la doortey ee dalka Maraykanka Donald Trump ayaa taageeray go’aanka Madaxeynaha Ruushku uu qaatey ee ah in aanu ka jawaabin kan Barack Obama ee dalkiisa ka saarey 35 dibllomaasi.

1

Qoraal uu ku soo daabacay bartiisa twitter ayuu  Donald Turmp  wuxuu ammaanay madaxweyne Puntin, isagoo ku tilmaamay  inuu yahay qof wax garad ah.

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa ka soo horjeestey codsiga Wasiirkiisa Arrimaha Dibadda oo ahaa in laga jawaabo Cunaqabataynta obama ku soo rogay Ruushka, isagoo rajo ka qabaa marka uu xilka la wareego Trump in xidhiidhka labada dal si caadi ah ku soo noqdo.

Madaxweynaha Ruushanka ayaa sheegay in aanay dalkooda ka saareyn diblomaasiyiinta Maraykanka iyaga oo ka jawaabaya go’aanka Aqalka Cad, waxaana Putin sheegay in ay caruurta Diblomaasiyiinta ay ku casumayaan Aqalka Kreml xafladda ciidda sanadka cusub iyo Krismaska.

Maraykanka ayaa ku eedeeyey Ruushku in uu isku dayey farogelin in uu ku sameeyo doorashada Maraykanka iyaga oo taageeraya Trump, arrintan oo ay ku tilmaameen fal aad u foolxun.

In Trump mar kale amaano Putin mar kale ayaa la isweydiinayaa cawaaqib xumada ay u keeni karto maadaama go’aanka Obama gaadhey ay wada taageersan yihiin labada Aqal ee Maraykanka, waxaana la isweydiinayaa midka Trump dooranayo labada Aqal ee Maraykanka iyo Putin, maadaama go’aanka Obama gaadhey xili uu xika ka degaayo uu sanduuq cidhiidhi ah geliyey Donald Trump.