Fadhigii Shalay Baaqday Ee Wakiilad Oo Qaboojiyay Xiisadii Taagnayd

0
669

Hargeysa(Geeska)-Golaha wakiilada Somaliland ayaa  dib u baajiyay buuxinta jagada guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha wakiilada oo xildhibaanadu ay dooran lahaayeen. mudenayaasha golaha wakiilada ee isku khilaafay doorashadii hore ayaa laga yaabaa inuu wada hadal xal raadin ahi u furmo.

Baashe Maxamed Faarax oo fadhigan si kooban u sheegay inuu u furmay ayaa markiiba ku dhawaaqay in ilaa Axada dib loo dhigay doorashda xildhibaanada, xili xildhibaanadii ka soo horeeday ay igauna ahaayeen kuwo aan aqbalin inuu shir guddoomiyo.

Waxaanu Baashe si kooban halkaas ugu yidhi “Kooramku waa uu buuxaa oo fadhigu waa uu inoo furan yahay,xildhibaanada aad iyo aad ayaan ugu mahadnaqayaa, xildhibaano badan ayaa soo jeediyay fadhigiina waxaynu ka dhiganaynaa Axada, Axada ayaa loo codaynayaa halaga soo qaybgalo, fadhiguna waa uu xidhan yahay.”

Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi oo ka mid ah garabka Baashe ayaa dhankiisa warbaahinta u sheegay in labada garab ee golahu ay wadahadal ku balameen”Golaha baryanaba waa kii khilaafku ka jiray waxa bilaabmatay inuu maanta inuu isaga dhexdiisu isku soo dhawaado waxa uu bilaabay inay wada hadlaan, waxay bilaabeen inay wada fadhiistaan, waxa uu bilaabay inuu kooramku uu furmo, markaas in la wada hadlo oo labada dhinac ay wada hadlaan ayay arintu ku socotaa inuu goluhu mid noqdo ayaa laga ayaabaa inuu goluhu uu wada fadhiisto oo qof wada doortaan ayaa laga yaabaa.”

Sida oo kale Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde ayaa isaguna dhankiisa ku waafaqay in xubnaa golaha wakiilada ee iska soo horjeedaa ay wada hadal gali doonaan”Waxaanu aad iyo aad ugu mahadnaqaynaa xildhibaano Maxamed Cali Xirsi ka mid yahay oo dhinicii kale ah oo hurmuudka xisbiga Kulmiye ah  oo gartay oo qaatay inuu goluhu wada hadlo, waa talo wanaagsan taladaasna waanu soo dhawaynaynaa, waxii hada ka danbeeyana golaha ayaa wada hadlaaya.”

Xildhibaan Maxamed Faarax Qabiile oo dhankiisa warbaahinta la hadlay ayaa yidhi”Golihii waanu soo xidhnay taladuna laba geed ayay dhextaalaa, waxaana ugu dhow in guddoomiyaha labaad ee maalintii dhawayd shirgudoominayay Cali Yuusuf uu noqdo shir gudoonka kumeelgaadhka ah inta khilaafku uu dhamaanayo.”

Mudanayaasha golaha wakiilada Somaliland ayaa haatan u kala fadhiya laba garab, kadib markii ay isku khilaafeen doorashada Baashe Maxamed Faarax ee shigudoominta golaha wakiilada Somaliland.