Fadeexado Musuq-Maasuq Oo Dul Hoganaya Xasan Sheekh Iyo Walaaca Diblomaasiyiinta Reer Galbeedka

0
662

Picture5Hargeysa(Geeska/W.Wararka)-Fadeexado musuq-maasuq ayaa ku soo baxay Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud, kuwaas dhaawac u gaystay kalsoonidii ay ku qabeen wadamada reer galbeedku.

Wakaaladda wararka ee Reuters, ayaa Jimcihii shalay baahisay warbixin dheer oo ay ka  qortay musuqmaasuqaas iyo sida ay dhaawaca ugu gaysteen kalsoonidii reer galbeedka oo si weyn dhaqaale ugu taageera dawladda Xasan Sheekh Maxamuud. Fadeexadahan oo soo if baxay markii ay dabayaaqadii sannadkii hore is casishay guddoomiyihii Baanka Somaliya Marwo Yusur Abraar, ayaa waxa ay Qaramada midoobay u saartay guddi madaxbanaan oo baadhis ku soo samaysa eedaha musuqmaasuq ee Yusur Abraar, ka dib markii ay noqdeen kuwo niyad jab ku keenay reer galbeedka dhaqaalaha la garab taagnaa dawladda Xasan Sheekh ee taagta daran.

Ergayga Qaramada midoobay u qaabilsan Somaliya Danjire Nicholas Kay ayaa wakaaladda wararka ee Reuters, isagoo u waramay wuxuu is casilaaddii Yusur Abraar ku tilmaamay hagar daamo ku timid kalsoonidii deeq bixiyayaasha. “Waxa ay cadaysay baahida loo qabo maamul adag oo maaliyadeed.” Ayuu yidhi.

Wakaaladda wararka ee Reuters, waxay warbixinteeda ku sheegtay inay Email u direen Yusur Abraar si ay u weydiiyaan faahfaahin dheeraad ah oo la xidhiidha eedaha musumaasuq ee ay u jeedisay dawladda Somaliya ee Xasan Sheekh, waxase ay si kooban ugu jawaabtay, “La dagaalanka musuqmasuqu wuxuu ahaa shayga ugu muhiimsan ee kalsooni lagaga abuuran  karo saaxiibada caalamiga ah islamarkaana uu wadanku hore ugu socon karo siyaasad ahaan, bulsho ahaan iyo dhaqale ahaanba.”

Yusur Abraar, wakhtigaas ay is casishay waxay ku doodday in culays lagu saaray inay saxeexdo heshiisyo maaliyadeed oo  uu gaar u watay Madaxweynaha Somaliya. Laakiin Wuxuu Xasan Sheekh Maxamuud arrinkaas ka yidhi “Waxaan leeyahay taariikh cad oo dhinaca dawladda ah ilaa intii aan xilka qabtay.”, waxaanu intaas raaciyay inaanu faraha kula jirin musuqmaasuq.

Wakaaladda Reuters, waxay xustay inay hayso xog sheegaya in culays lagu saaray Yusur Abraar inay sanduuq xisaabeed oo gaar ah ka furto wadanka Imaaraadka Carabta, kuna furto magaca Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, taas oo ay diiday islamarkaana ay is casishay.  Laakiin Xasan Sheekh, wuxuu arrintaas mar kale ka yidhi, “Ma jirto meel aan weligay ku weydiistay guddoomiyihii baanka inay sanduuq xisaabeed ku furto magacayga. Weligeed may dhicin, ulamana imanin, weligay maan weydiin, weligay maan maqal, waxaan maqlay oo keliya arrimahan markii ay is  casishay, laakiin ka horow maan maqal.”

Balse sida ay Reuters, xustay dhaqaalaha iyo hantida kale ee taala wadamada Khaliijka ayaa la doonayay in lagu ururiyo sanduuqaas gaarka ah, waxaanay warbixintu xustay inay Yusur Abraar aaminsantahay in la doonayay inuu sanduuqaas si madaxbanaan u maamulo oo uu gacanta ku hayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Fadeexadahan dartood, waxa ay Reuters sheegtay afar maalmood ka dib markii ay Yusur Abraar is casishay inay magaalada Nayroobi shir deg deg ah ku yeesheen diblomaasiyiinta reer galbeedka ah ee Somaliya qaabilsan balse degen magaalada Nayrobi ee Kenya. Mid ka mid ah diblomasiyiinta shirkaas ka qayb galay ayaa Reuters u sheegay in safiiradii shirkaas fadhiyay ee ka soo jeeda wadamada deeqaha badan ku bixiya taageeerista dawladda Somaliya ay si qayral caadi ah uga cadhoodeen in la khiyaameeyay, waxaanay dhawr maalmood ka dib madaarka Muqdisho shir gaar ah kula yeesheen Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud. Hadal-qoraalkii kulankaasa oo ay wakaaladda wararka ee Reuters aragtay, lana qaaday 7 November 2013, waxa ku qornaa “Wadamada Sweden, Norway, Maraykanka iyo Midowga Yurub waxay cadeeyeen sida qotoda dheer ee ay uga walaacsanyihiin arrimahan u dambeeyay, iyagoo tilmaamaya in kalsoonidii iyo daacadnimadii Somaliya si xun loo gilgilay.”

Madaxweynaha Somaliya ayaa sida hadal-qoraalka ka muuqatay wuxuu ku jawaabay inaanay Yusur Abraar wax cadaymo ah u haynin eedaymaha musuq ee ay jeedisay, gaar ahaan midka tilmaamaya in culays lagu saaray inay heshiis u saxeexdo shirkadda Shulman Rogers ee Maraykanka degen. Laakiin ka sokow is difaaca Xasan Sheekh Maxamuud, waxay wakaaladda wararka ee Reueters la hadashay 12 diblomaasi oo cilaaqaad la leh arrimaha Somaliya, waxaanay dhammaantood u cadeeyeen in dhinaca Yusur Abraar uu yahay mid macquul ah.

Ugu dambayn waxay Reuters, diblomaasiyiin ay waraystay u sheegeen in wadamada reer galbeedku ay hakiyeen boqolaal milyan oo Dollar oo dhaqaale ahaan amaba milatari ahaan loogu caawinayay sanandkan dawladda Somaliya, iyagoo ku doodaya in caawimadaas ay burburin doonto awoodda Madaxweynaha islamarkaana ay caawin doonto Al-Shabaab, “Laakiin kalsoonidoodii Xasan Sheekh waxay soo noqon doontaa oo keliya haddii uu si adag ula dagaalamo tuugada.” Sidaas ayay diblomaasiyiintu u sheegeen wakaaladda Reuters.

Si kastaba ha ahaate Madaxweynaha Somaliya, ayaa u muuqda inuu wiiqay kalsoonidii ay reer galbeedku ku qabteen markii uu xilka qabtay, waxaanu lugaha kula jiraa fadeexado lunsi hanti badan , taas oo sababaysa inay reer galbeedku dib ula noqdaan lacagihii badnaa ee ay sida indho la’aanta ah ugu taageereen Somaliya, markii uu Xasan Sheekh xilka qabtay.