Facebook Oo Bilowday Adeeg Ay Saxafiyiinta Kaga Caawinayso In Ay La Socdaan Wararka Cusub

0
690

Picture10Shirkadda Facebook oo la tartamaysa shirkadda uu tartanka ganacsi ka dhexeeye ee Twitter ayaa khamiistii toddobaadkan shaaca ka qaadday adeeg cusub oo saxafiyiinta iyo dadka kale ee war raadiska ah u fududaynaya in ay adeegsadaan shabakadaha Facebook si ay ula socdaan hadba wararka cusub ee ka soo kordha dunida.

Adeeggan oo lagu magacaabo ‘Signal’ oo si wada jir ah ugu shaqayn doona Facebook iyo shabakadda Instigram.

Andy Michel oo madax ka ah xidhiidhka warbaahinta iyo shabakadda Facbeook ahaa degelka Internet ka ee shirkadda ku sheegay in adeeggan cusub ee Signal uu awood u leeyahay la socoshada wararka iyo in uu si gaar ah macmiilka ugu soo xulo wararka la xidhiidha hadba mawduuca uu doorto qofku, sida marka uu doorto in uu u soo xulo dhammaan wararka la xidhiidha ‘Somaliland’.

Sidoo kale Signal waxa uu awood u leeyahay in uu kaydiyo xogta uu qofku si gaar ah u xiiseeyo si marka uu u baahdo uu u adeegsado. Michel oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi, “Waxa aanu ogolaannay dalab marar badan oo kala duwan uga yimid saxafiyiin doonaya in facebook iyo instegram lagu soo daro hab sahlaya in si sahal ah qofka uga baahani uu uga dhex baadhan karo xogta iyo macluumaadka meelaha kala duwan laga soo geliyey. Waxa aanu qorshaynaynaa in aanu isu habayno macluumaadka, sawirrada, iyo fiidyowyada ku jira facebook iyo instegram”