Faadumo Siciid Oo Iska Casishay Xilka Iyo Xubinimada Xisbiga Waddani

0
767

Hargeysa(Geeska)-Marwo Faadumo Siciid; xoghayihii  arimaha dibda ee xisbiga Waddani ayaa ku dhawaaqday inay si rasmi ah xilka iyo xubinnimada xisbigaasba ay isaga casishay.                                    Marwo Faadumo Siciid ayaa is casilaadeeda ku sababaysay in dhibaatooyinka Somaliland oo aad isu biirsaday mucaarad iyo xukuumadiba aanay diyaar u ahayn in wax laga qabto taas badalkeedana xisbiyada dalku ay ku mashquulsan yihiin yooyootan hoose, waxaanay iyada oo warbaahinta kula hadlaysa gurigeeda ay is casilaadeeda ugu dhawaaqday sidan “Maanta waxaan iska casilay xilkii aan u hayay xoghayaha arimaha dibada ee xisbiga Waddani iyo xubinnimadiiba, ma jecli meel aan ka tagaayo inaan wax ka sheego waayo dad faro badan oo aan asxaab nahay oo aan walaalo nahay ayaa ku jira, meeshaad intaas oo dhan joogtay inaad war xun tidhaahdid waa xaaraan.”                                                                                                                                                                                                      Intaas kadib waxay ka hadashay sababta ay isku casishay “waxaan arkay uun in marxaladan dalku ku jiro sidii loo baahnaa in loo waajaho in aynaan u waajahayn tobanbkii sanadood ee ugu danbeeyay waxyaabo badan ayaa ku soo kordhay Somaliland   oo aan wada fiicnayn haday tahay Sanaag Bari waxa ka socda,Ceel-afweyn,maanta oo aan 30 sanadood ka soo wareegnay oo baarlamaankii iyo guurtidii ay leeyihiin maamul gobaleed ayaanu tagaynaa caleema saarkii, haday tahay sicirbararkii oo wax alle iyo wax aynu ka qaban karaynaa aanay jirin oo aynu arkayno dadweynaheenii oo dadweyne ka wanaagsan oo ka sharaf badan oo ka samir badan aanay jirin oo maanta 75% ay beerka dhulka ku hayaan oo maciishadii ay cirka isku shareertay oo ay jaqaf yar oo dhuxul ah ay iibsan kari waayeen danyartii buulalka ku jirtay oo bilaa biyo ah, markaan sidaas u eegay ayaan  siyaasadeeniina eegay maanta waxay ahayd maalinta caqliga wanaagsani uu shaqayn lahaa in mucaarad iyo muxaafid,guurti iyo baarlamaan iyo waxgarad inay gacmaha isqabsadaan oo ay yidhaahdaan maxaan qarankeena ku badbaadinaa.”                                                                                                                                                                  Waxa ay hadalkeeda ku soo gunaanaday “Intaan arimahaas iska kaashan lahayn ayaan inagu yooyotan hoose ku jirnaa runtii mucaarad adagna ma jiro muxaafid adagna ma jiro markaas siyaasadii waxay noqotay wax aan lagu milmiba karayn,inta aan tilifoon habeen oo dhan qabsano intii aan maxaa la yidhi odhan lahayn oo aanan waxba ka qaban karayn in aanan hurdada  isa seejin cirana aanay igaga soo bixin wax aanan waxba ka qaban karayn waan tashaday markaas waxaan is idhi malaa Faadumooy waxa kuu fiican inaad siyaasada xisbiyadaba aad iskaga baxdid,xisbigii Waddani waan isku garan waayay oo siyaasadiisa ayaan isku garan waayay, siyaasada geedi socodkii aan ka rabnay waan ka arki waayay dad aanu ceesh ow milix ahayn intaanu is qabsan lahayn waxay ila eegaatay uun inaan iskaga fadhiisto, waxii aan dhalinyarada awlba u qaban jirayna aan u qabto waxaan hablaha isla baaltaagi jirayna aan isla baal taago qarankaygana waxii aan u qaban lahaa cod dheer iyo mid gaabanba aan ugu shaqeeyo,laakiin aan siyaasi madaxbanaan oo xor u ah fikirkeeda inaan noqdo.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here