Faa’iidada Ku Jirta Ururada Ardayda Ee Carruurta Somaliland

0
2885

 

Darsin wiilal iyo gabdho ah ayaa waxay kala fadhiyaan labada dhinac ee fasalka iyagoo laba koox ah oo mid waliba dhankeeda u faqayso (xamxamlaynayso).

Cabdiraxmaan Muuse waa 17 jir. Wuxuu fadhiyaa miiska hore yaala ee macalinka loogu tallo galay. Wuxuu isha ku hayaa saacada. Markii daqiiqadi dhamaataba ,wuxuu lahaa waqtigii waa la gaadhay. Dhanka kale koox kasta hal arday ayaa qorayay jawaabta ay ka bixiyaan xisaabta sabuurada ku taalay.

Kadiskan ka dambeeya xiisadaha caadiga ah ee Dugsiga Hoose ee Naasa-Hablood waxaa bilaabay caruurta qudhooda, wuxuuna hoos imaanayaa qorshe cusub oo lagu bilaabayo guddiyo ay ardaydu maamulaan si dabadeed caruurtu ay cod ugu yeeshaan sida iskuuladooda loo maareeyo.

Ururrada Dhallaanku waa guddiyo yar yar oo ardaydu leeyihiin oo fasal walba uu wakiil ku leeyahay ama koox walba oo darajo ku salaysani wakiil ku leedahay, kuwaasoo si wada jir ah uga wada xaajooda arrimaha saameynta ku leh ardayda isla markaana kula taliya macalimiinta talaabada in la qaado ay tahay.

“Waxaanu ogaanay in qaar badan oo ardayda ka mid ah aanay ku dhiiranayn in ay qabtaan shaqo ka baxsan hawsha iskuulka,” sidaa waxaa yidhi Cabdiraxmaan mar uu ku jiray biririf gaaban oo uu kaga nasanayay horjoogenimada kadiska iskuulka Naasa-Hablood oo ku yaala Hargeysa oo ah caasimada Somaliland.

“Balse markii aanu bilownay tartankan waxbarasho, qof waliba wuxuu noqday mid aad u mashquulsan. Waayo haddii aad guulaysato mar, waxaad dooneysaa in aad mar kale guulaysato. Hadii aad dhacdo, waad xishooneysaa oo waxaad dooneysaa in aad sidii hore si ka fiican u dadaasho si aad u guulaysato markaa marka xiga.”

 

Tartamada u dhexeeya fasalada ayaa ah hindise ka mid ah hindisayaal badan oo la bilaabay tan iyo markii la bilaabay Ururrada Dhallaanka sanadkii 2006.

Kani waa mid ka mid ah 127 hindise, oo UNICEF ay taageerto ayna maal galiso dawladda Ingiriiska gaar ahaan waaxda Horumarinta Caalamiga. SOLSA, oo ah urur ay leedahay bulshada rayidka ah ayaa Somaliland gudaheeda mashruucan ka hirgelisa .

 

Iskuulka Naasa-Hablood, geedo ayaa lagu abuuray garoonka ciyaarta ee ballaadhan ardayda dhigata iskuulkaas oo gaadhaysa 2,300 ayaa iyana mid waliba waxaa lagu dhiiri galiyaa in uu gurigooda ka keeno nus-liitar biyo ah isbuuc walba, maalmo la cayimay, si dabadeed geedaha yar-yar ee la talaalay u koraan.

 

Musqulaha dib ayaa loo cusbooneysiiyay iyadoo ardeyda dhigata fasalada kala duwan si kaltan ah loogu kala qoondeeyey maalmo ay ku nadiifiyaan qolalka musqulaha.

 

Guddiga hoggaanka ururka ayaa wuxuu martiqaad u sameeyay dhakhtar cuduro gaar ah ku takhasusay si uu ugala hadlo kulanka ardayda iskuulka sida looga hor tago xanuunnada caamka ah. Wuxuuna gudigaasi haatan qorsheynayaa inuu soo jeediyo waxyaabo kale oo intaa dheer oo ardaydu ay soo diyaarsheen.

 

Laakiin maadaama kalsoonidu korodhay, Guddiga Maareynta Ururku wuxuu ku soo daray
doorkiisa howlo badan oo adag maadaama xubnihiisu yihiin danjireyaal matalaya iskuulka oo dhan.

 

Caruurta isaga tagta waxbarashada fasalada waxaa lagu soo booqdaa guriga waxaana lagu dhiiri galiyaa in ay kusoo laabtaan iskuulka. Waxaa mar dhacday in Ururku keenay oday diinta yaqaan si uu u waaniyo hooyo iyadu gabadh ay dhashay ka saartay iskuulka wax yar uun ka hor waqtigii imtixaanaadka si loo xallaaleeyo gabadhaas.

 

“Sheekhaasi wuxuu sharaxaad ka bixiyay in waxbarashada gabadhuhu aad muhiim u tahay. Kadibna gabadha hooyadeed way ku raacday sheekha arrintaa oo haatan gabadheedii si fiican ayey wax u barataa.” Sidaa waxaa tidhi Sahra Xusseen, oo hadda ah Guddoomiyaha Ururka Naasa-Hablood.

Muuse Maxamed wuxuu si fiican u xusuustaa maalintii caruurta ay isku iskuulka yihiin ay ku soo garaaceen albaabka gurigooda. Muuse isagaa sannad ka hor iskuulka isaga baxay.

 

Muuse oo 16 jir ah wuxuu yidhi “waxaan lahaa saaxiibo dhowr ah oo xun-xun kuwaasoo igu yidhi wax barashadu faa’iido ma laha ,”.

 

“Kama aanan fikirin arrinta ay ii sheegeen , oo waxaan durbadiiba ka tagay iskuulka, halkii aan wax ka baran lahaana waxaan bilaabay inaan magaalada wareego waxna aanan qabanayn. Intaa kadib dadkan ka socda Ururka Dhallaanka ayaa ii yimid oo ila hadlay.”

 

Muuse wuxuu sheegay inuu ogaaday in waxbarasho iskuul la’aanteed aanu yeelan doonin mustaqbal”. Wuxuuna fasalka ku soo laabtay sanadkii tagay, kaasoo uu haatan si fiican wax uga barto.

 

Axmed Aaden oo ah kaaliye macalin oo gacan ka gaystay dhisida Ururka Naasa-Hablood, kaasoo hadda la taliya guddiga ururkaas, ayaa isna sheegay in “wax walba ay is badaleen”.

 

Wuxuu yidhi “Kuwani waa caruur aan marnaba isku dayi jirin in ay ka hadlaan dhibaatooyinka haysta, hal codna aan ku hadli jirin,” .

 

“Hadda waxaan arkeynaa iyagoo makarafoon la taagan ardayda iyo macalimiinta iskuulka oo dhan, ama waalidiinta iyo odayaasha hortooda maalmaha kulanka (ee loogu talo-galay macalimiinta, waalidiinta iyo odayaasha,) una sheegaya qorsheyaashooda iyo guulahooda si dhiiranaan iyo isku-kalsoonaan ay ku dheehan tahay.”

 

Umaima Xassan oo ah 14 jir , iyadoo garab fadhida Mudane Aaden,ayey si aadaab leh uga sugtay inuu hadalkiisa dhamaysto. Intaa kadib ayaa iyadoo dhoola caddayneysa waxay tidhi, “Waa maxay sababta arrintan loola yaabayo?”

 

Waxay tidhi “Waxaanu ognahay waxa ardayda nala jaalka ahi u baahan yihiin, waana ka caawin karnaa sidii ay u heli lahaayeen waxyaabahaas ay u baahan yihiin,” “Waxaa laga yaabaa in waxogaa cawimaad ah aan ka helno dadka waaweyn, laakiin waa anaga dadka haatan codka leh.