Hawlgal Ay Dawladda Hoose Ee Hargeysa Shalay Fulisay Oo Sababi Gaadhay In Nin Ganacsade Ahi Is Gubo Sidii Wiilkii Reer Tunisiya Ee Laga Gadooday

0
801

 

hooseHargeysa(Geeska)-Dawaladda hoose ee caasimadda Hargeysa ayaa shalay isku dayday inay banayso jidadka caasimadda oo ay jareen tukaamo yaryar, dabakaayooyin iyo meherado kale, sida caadada u ah dawladda Hoosena ciidamada Boolisku waxay si arxan daro ah u baabiiyeen meheradahaas iyagoo dhulka ku qabay hantida dhex taalay.

Talaabadaasi waxay sababtay in mid ka mid ah muwaadiniinta hantidaas lahayd uu cadho darteed isku dayay inuu is gubo, balse laga badbaadiyay ka hor intii aanu dabka iyo baatroolka isku qaban. Kacdoonada dalalka carabta ka socda ee sahayday Madaxweynayaal dhawr ah kuwo kalena gilgilaya ayaa waxa sabab u ahaa wiil dhallinyaro ah oo reer Tuniisiya ah oo ay mid ka mid ah dawladaha hoose ee dalkaasi  ka daadisay meheradiisii iyadoo jidad banaynaysay, ka dibna loo garaabi waayay, kaas oo markii dambe dawladda hoose ee magaalo ka mid ah Tuniisiya horteeda dab isku qabad siiyay, gadoodkii dadweyne ee ka dhashayna wuxuu kelifay in taladii laga tuuro Madaxweynihii dalkaas Bin Cali oo muddo dheer dalkaas xukumayay. Waxaanu kacdoonkaas Tuniisiya saamayn ku yeeshay dalalka Carabta waxaana ku xigay oo taladii laga tuuray Madaxweynihii Masar Xusni Mubaarik, halka ay Liibiya, Yemen iyo Suuriya ciir-ciirayaan.

Haddaba muwaadin goodhi yar oo sigaarka iyo waxyaabo kale iibisa ku haysta badhtamaha Hargeysa ayaa shalay ku sigtay inuu Somaliland u rogo sida Tuniisiya, ka dib markii uu isku dayay inuu dab isku qabto balse ay dad kala duwani ka badbaadiyeen. Muwaadinkan ayay ciidamadii  hawlgalka waday ee dawladda hoose dhulka la simeen meheradiisii, taasina waxay sababtay inuu is madax maro, iskuna dayo inuu fal fool xun ku kaco cadho darteed.

Agaasimaha arrimaha bulshada dawladda hoose ee Hargeysa Mr. Khadar, oo uu Wargeyska Geeska Afrika xalay waxa ka weydiiyay arrintan ayaa xaqiijiyay, “Ninkaasi waxa uu ahaa nin cadhooday oo diidanaa in meesha laga raro markaas waxa uu yidhi waan gubayaa meesha ana waan isgubayaa, markaa anagaa ka qabanay oo arintiina waanu xalinay.” Sidaas ayuu yidhi masuulkan u hadlay dawladda hoose ee Hargeysa. Muwaadinkan oo meherad ku haysta suuqa heegada loo yaqaan oo aanu isku daynay inaanu la kulano ayaanay noo suurtogelin.

Isagoo agaasimuhu sharaxaya hawlgalka dawladda hoose ee shalay, wuxuu yidhi, “Meesha waxaa ka baxa basaska markaa waxa ka dhisnaa cooshado yar-yar oo nadaafada wax yeelaynayay oo lagu soo gabanayay hadday sakhraamiin  noqoto iyo hadday dad ajaaniba noqotaba. Sidaa darteed maanta (shalay) ollalaan qaadnay waanan duminay meesha lafteedii, askarna waanu dhignay si meeshaasi loo ilaaliyo oo looga hortago bilic xumada magaalada. Waxaanan ugu talo galnay inay meeshaasi ahaato uun istaan basasku ay ka baxaan.”

Dawladda hoose ee caasimadda Hargeysa ayaa inta badan lagu eedeeyaa inay si bilaa naxariis ah u fuliso hawlgalka jid banaynta iyo soo celinta bilicda magaalada, waxaanay cagta mariyaan meherad kastaa oo ka soo hor baxda,  haddii aan laga waantoobina waxay keeni doonaan khasaare intaas ka badan.