Eriteriya Oo Laga Cabsi Qabo In Ay La Safato Xuutiyiita Iyo Boqorka Sucudiga Oo Joojinta Dagaalka 4 Shardi Ku Xidhay

0
732

Picture2Sanca (Geeska) – Tan iyo markii uu sii cuslaaday weerarka boqortooyada Sucuudigu hooggaaminayso ee ka dhanka ah Xuutiyiinta Yemen, waxaa soo xoogaysanaya cabsida ay xeeldheerayaasha milateriga iyo xidhiidhada istaraatijiga ah ee Carabtu ka qabaan in dalka Ereteriya uu ka faa’idaysto xaaladda colaadeed ee dalka Yemen oo uu mar labaad ku noqdo qabsashada Gasiiradaha Arakhbiil Xunaysh ee dalka Yemen, oo ay Eriteriya hore u qabsatay sannadkii 1995kii, laakiin ay dib uga baxday kadib markii maxkamadda caalamiga ahi sannadkii 1998kii xukuntay in ay jasiiradahaasi ka mid yihiin Yemen in kasta oo ay weli si aan rasmi ahayn u sheegato lahaanshiyahooda. Warbixinno Caalamiya iyo kuwo Sirdoon ayaa mar sii horreysay daaha ka rogay in Iiraan ay joogitaan Milateri ku leedahay dalka Ereteriya, isla markaana ay ka furan yihiin saldhigyo tababar oo ciidamada ilaalada kacaanka ee Iiraan ay ku leeyihiin dhulka ku dhereran xeebta dalkaas, gaar ahaan degekadda Casab, oo ka mid ah deegaannada ugu dhow xeebaha dalka Yemen. Warar sirdoon oo uu helay Talefishanka Al-Carabiya ayaa hore u xaqiijiyey in Iiraan ay boqollaal milaterigeeda ah iyo saraakiila ka tirsan ciidamadeeda badda u dirtay Ereteriya, isla markaana ay gantaalaha xeebaha , gantaalaha lidka diyaaradaha iyo gantaallo kuwa riddada dhexe iyo kuwa riddada gaaban isugu jira ku rakibtay xeebta ku dhow dekedda Casab, waxaana Iiraan ay fursadahan ku heshay heshiis sannadkii 2008dii dhex maray madaxweynihii hore ee Iiraan Axmedi-najaad iyo madaxweynaha Eriteriya Isayas Afawerqi. Waxaa jira cabsi weyn oo laga qabo in iskaashigaa milateri ee u dhexeeya dalalka Iiraan iyo Eriteriya, ay Iiraan ka dhigato marin ay ka gaadhi karto Xuutiyiinta si ay u garab istaagto, iyo in xidhiidhkaas Eriteriya uga faa’idaysato in ay ku qanciso dib-qabsashada jasiiradahan ay sheegan jirtay si ay Iiraan u hesho meel ay cagaha ka dhigto dalka Yemen. Arakhbiil Xunaysh waxa ay ka kooban tahay 43 Jasiiradood oo ay ugu weyn yihiin Gasiiradda Xunaysh Al-Kubraa, Xunaysh As-Suqraa, Jabal Zaqar. Arakhbiil waa gasiiradda Yemen ee ugu dhow marin biyooddada badda cas, gaar ahaan maraakiibta ku socda ama ka timaadda Baab Al-Mandab ay soo maraan. Cabsida arrintan laga qabaana waxa sii xoogeynaya warka shalayba soo baxay ee ay Iiraan ku qiratay in ay deegaannada Xuutiyiinta u dirtay diyaarad sidda xamuul ay ku sheegtay caawimo bani’aadamnimo, balse ay aad ugu dhowdahay in ugu yaraan saanad milaterina ka mid ahayd shixnaddaas.

Shuruudda Boqorka Sucuudiga:

Dhinaca kalana boqorka Sucuudiga Salmaan Bin Cabdalcasiis ayaa shaaca ka qaaday in dagaalka Isbahaysiga uu hoggaaminayaa ku qaadeen Yemen ku joogsan karo oo keliya haddii la helo Afar shardi. War-murtiyeed ka soo baxay qasriga boqortooyada Sucuudiga ayaa lagu sheegay in shirkii golaha wasiirrada ee Isniintii dorraad uu boqor Salmaan ka sheegay in sida keliya ee weerarkaasi ku joogsan karaa ay tahay;

– In dhammaan dhinacyada siyaasadda ee dalkaas ka jira oo Xuutiyiintu ka mid yihiin ay ogolaadaan in ay isugu yimaaddaan wada hadal uu gacanta ku hayo ururka Iskaashiga Khaliijku, isla markaana dhammaantood ay ogolaadaan sharciyadda dawladda Madaxweyne Cabdirabbu Haadi Mansuur, iskana fogeeyaan afgembigii dhowaan lagu riday ee ka dhacay Sanca.

– In dawladda sharciga ah ee Cabdirabbu Haadi Mansuur loo ogolaado in ay dib awooddeeda ugu kala bixiso dalka Yemen oo dhan.

– In hubka la boobay ee gacanta u galay Xuutiyiinta iyo dhinacyada kalaba dib loogu soo celiyo gacanta dawladda Cabidirabbu Haadi.

– Iyo shardiga Afaraad oo ah in ay caddaato in Xuutiyiintu aanay khatar ku ahayn ammaanka dalalka Yemen la deriska ah.

Shuruudahan boqor Salmaan ayaa markiiba loo fasirtay in Sucuudiga oo ah dalka saddexaad ee ciidamadiisu ugu awood badan yihiin Carabta iyo dalalka la xulafada ahi aanay diyaar u ahayn in ay dagaalka Yemen joojiyaan illaa ay ka dhisaan dalkaas nidaam dawladeed oo ay iyagu ogol yihiin, isla markaana meesha ka saaraan Xuutiyiinta iyo kooxaha xulafada la ah oo ay ka mid yihiin ciidamada madaxweynihii hore ee Cali Cabdalla Saalix iyo Maleeshiyooyin kale.

Saamaynta uu dagaalka Yemen ku yeelan karo ganacsiga caalamiga ah:

Dagaalka Yemen waxa uu khatar weyn ku yahay dhaq-dhaqaaqa ganacsiga caalamiga ah ee mara kadinka Baabul Mandab iyo sidoo kale kadinka kale ee Suweys oo uu dalka Yemen maamulo. Waxaa si weyn hoos ugu dhici doona dakhliga badan ee dalka Masar ka soo gala marinka Suweys, xilli uu dalkaasi ku jiro xaalad adag oo dhaqaale, sidaa awgeed aanu u dulqaadan karin hoos u dhac ku yimaadda dakhligiisa, waxaa iyaguna khatar ku jira ammaanka badeecadaha iyo shidaalka ka gudba Baabul-Mandab. Qaar badan oo ka mid ah shirkadaha Caymiska ayaa isla markii uu dagaalku bilowdayba ku dhawaaqay in ay caymiska ka joojinayaan doonyaha maraya Baabul-mandab dagaalka awgeed. Maadaama oo dalalka Gacanka Carabta ee xulafada weerarka Yemen qaadday ka mid ahi ay soo saaraan boqolkiiba 70 shilaalka dalalka ku bahoobay ururka OPEC ay dhoofiyaan, isla markii uu dagaalku bilowdayba, meelo badan oo dunida ah ayaa uu shidaalku kor uga kacay. Arrintan cabsideeduna waxa ay sii badatay markii shalay ay wakaaladda wararka ee Iiraan oo lagu magacaabo Fars baahisay in maleeshiyada Xuutiyiintu ay wadaan qorshe ay doonayaan in ay ku xidhaan marinka Baabul-Mandab iyaga oo adeegsanaya gantaalaha barriga iyo badda. Marinka Suweys waxaa mara boqolkiiba Toban ganacsiga isaga gooshaya dunida, iyo saddex meelood meel ka mid ah shidaalka dunida loo iib geynayo, kaas oo u dhigma in 3.3 Milyuun Foosto oo shidaal ah oo maalin kasta mara, dhammaan shidaalkaasina Kanaalka Suweys ka hor waxa uu soo mara gacanka Cadmeed ee badda cas, oo ah kan khatarta ugu jira in ay colaaddu xidho. Sidoo kale Gacanka Cadmeed waxaa mara boqolkiiba 95 ka mid ah ganacsiga isaga goosha gobolka Gacanka Carabta (Khaliijka) iyo dalalka Koonfurta Bari ee Eeshiya, Bariga Afrika oo ay Somaliland ka mid tahay, Bariga Fog, Ustaraaliya, iyo qaybta sii marta marin biyoodka Suweys oo iyadu u gudubta dalalka Yurub, dalalka ku yaalla Badda Mediterranean ka iyo Maraykanka, dhaq-dhaqaaqaas oo haddii dagaalladu sii kululaadaan khatar ugu jira in uu joogsado ama ugu yaraan aad u yaraado. Sannadihii u dambeeyey waxaa kor u kacay qiimaha Caymiska iyo rarka ee ganacsiga mara marin biyoodka Baabul Mandab, sababo la xidhiidha budhcad badeedda Soomaalida awgeed, waxaana la dareemayey in shirkado badan ay door bideen in ay shixnadahooda mariyaan marinka kale ee Geeska Rajada Fiican oo isagu ka wareega cidhifka Koonfureed ee Afrika, kaas oo masaafadda fog ee uu marayo awgeed qudhiisu qiimaha kordhinaya. Marka la soo ururiyo dagaalka Yemen oo sii qoto dheeraadaa waxa uu saamayn taban ku yeelanayaa guud ahaan dhaq-dhaqaaqa ganacsi ee caalamiga ah, waxaana jirta cabsi weyn oo ah in uu saamayn xooggan ku yeelan doono Somaliland, gaar ahaan ganacsiga isu socodka ganacsiga aynu la leenahay Gacanta Carabta, taas oo keeni karta kor u kac ku yimaadda shidaalka iyo cuntooyinka qaar, waxaa iyaguna iman kara qaxoonti Yemani ah oo horraantoodii imikaba ina soo gaadhay, kuwaas oo haddii aan hadda qorshe fiican loo sii dejint, isla markaana aanay dowladdu bilaabin in dadaal ay dalalka deeqaha bixiya, gaar ahaan Carabta iyo haayadaha Qaramada Midoobey iyo kuwa caalamiga ah kaga dalbanayso in ay kala shaqeeyaan hawlaha qaxoontiga laguna caawiyo, keeni karta culays dhaqaale.