Ergayga Qaramada Midoobay Oo Xalay Ka Jawaabay Su’aalo Laga Weydiiyay Wada Hadalka Hargeysa Iyo Muqdisho Iyo Qodobo Kale Oo Somaliland Khuseeya

1
4421

Picture7Hargeysa(Geeska)-Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Somaliya Danjire Nicholas Kay, ayaa xalay ka jawaabay su’aalo lagu weydiiyay barta uu ku leeyahay twitterka, kuwaas oo qaar ka mid ahi ay ku saabsanyihiin Somaliland.

Ergayga Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay oo maamula xafiiska cusub ee UNSOM oo bedelay xafiiskii hore ee UNPOS, waxa su’aalaha la weydiiyay ka mid ahaa bal inuu rajaynayo in wada hadalka Somaliland iyo Somaliya u qorshaysan inuu dhawaan Turkiga ku dhex maraa, xal lagaga gaadhi karo khilaafaadka dhinaca  hawada ee labada dal u dhexeeya, wuxuu ku jawaabay, “Xaqiiqdii waan rajaynayaa. Iskaashiga ayaa  macno sameeya. Duulimaadyada Qaramada Midoobay oo taggaa, Somaliland dan ayay u tahay.”

Mar la su’aalay ergayga bal inuu damaanad qaadi karo inaanu xafiiskiisa UNSOM meeqaamkeeda  hoos u dhigayn dawladda la doortay ee Somaliland, wuxuu ku jawaabay, “Halkan uma joogno inaanu meeqaam tirno cid. Waxaanu taageersanahay wax kasta oo ay Hargeysa iyo Muqdisho isla gaadhaan.”

Su’aal kale ayaa la weydiiyay ergaygan oo uu nuxurkeedu ahaa sida uu arko midowgii Somaliland iyo Somaliya ee 1 Julay 1960 iyo inay laba kala noqon doonaan 53 sannadood ka dib, wuxuu ku jawaabay, “UNSOM waxay doonaysaa  inay ka caawiso Hargeysa iyo Muqdisho inay gaadhaan jawaab qancisa. Xubnaha Qaramada midoobay ayaa aqoonsada wadamada, maaha annaga oo u shaqeeya wadamada xubnaha ah.”

Ergayga waxa la weydiiyay su’aalo kale oo la xidhiidha xaaladaha siyaasadeed ee Somaliya sida Kismaayo, xadhiga Xasan Daahir Aweys iyo arrimo kale.

Geesta kale, ergayga ayaa dhawaan bartiisan uu ku leeyahay twitterka, wuxuu bogaadin iyo hambalyo ugu diray Wasiirka cusub ee arrimaha dibadda Somaliland Md. Maxamed Yoonis Biixi, oo uu ku tilmaamay nin ay saaxiib yihiin.

Comments are closed.