Ergayga IGAD Oo Sheegay Inay Taageersanyihiin Wada Hadalada U Dhexeeya Somaliland Iyo Somaliya

0
601

Picture5Hargeysa(Geeska)-Weftigii ka socday urur goboleedka IGAD ee muddooyinkan dambe booqashada ku joogay magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland, ayaa sheegay inay taageersanyihiin soona dhawaynayaan wada hadalada u socda Somaliland iyo Somaliya. Ergayga IGAD u qaabilsan Somaliland iyo Somaliya Danjire Maxamed Cabdi Afey, oo shalay hadal ka jeediyay kulan qado ah oo ay wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland u samaysay, ayaa wuxuu sheegay inay IGAD ahaan la dhacsanyihiin wada hadaladaas. “Waxaan u mahadcelinayaa wasiirka oo qadadan noo sameeyay. Isagoo noo suurtogeliyay inaanu la kulano guddiga Baarlamaanka ee arrimaha dibadda, ujeedadayadu waxa weeyaan xog urursi iyo inaanu ogaano xaaladda dhabta ah ee halkan ka jirta ee Somaliland shacabkeedu wixii ay gaadheen.” Ayuu yidhi ergayga oo si gaar ah ugu mahadceliyay wasiirka khaarajiga Md. Maxamed Biixi Yoonis.

Ergayga oo ka hadlaya wada hadalka u dhexeeya Somaliland iyo Somaliya, wuxuu yidhi “Wada hadal la galo waanu soo dhawaynaa, wada hadalkan hadda lagu jiraa waa wax aan dhiirigelinayno, arrimaha kale waa kuwo aanu kala simanahay tallo ahaan caalamka, laakiin wixii ay shacabkani samaysteen waxa muhiim ah in la gudbiyo oo la ogaado waxa ay yihiin, wax walba in wada hadal lagu galo oo lagu dhameeyo waa jidka keliya.”

Xubnahan ka socday IGAD, ayaa la filayaa inay maanta dalka ka ambobaxaan, ka dib markii ay kulamo la yeesheen xukuumadda Somaliland, Baarlamaanka iyo xisbiyada qaranka.