Ergadii Guddoomiye Saleeban Oo Guuldaraysatay Iyo Fadhiga Saaka Ee Golaha

0
808

Hargeysa(Geeska)-Waxa guuldaraysatay ergo dhexdhexaadin ah oo uu guddoomiyaha golaha guurtida Md. Saleban Maxamuud Aadan ka dhex waday labada garab ee golaha wakiilada ee isku maandhaafsan natiijadii doorashada guddoomiyaha golaha wakiilada.

Guddoomiye Saleban ayaa shalay wuxuu kulamo la yeeshay xubno ka kala socday labada dhinac ee ay kala hoggaaminayaan Baashe iyo Talyanle, waxaanu ku dedaalay inuu isu soo dhaweeyo islamarkaana uu baajiyo fadhiga maanta si loo bilaabo wada hadalada.

Hase yeeshee ilo xogogaala ayaa Geeska Afrika u sheegay in guddoomiye Saleban ku guuldaraystay dhexdhexaadintaas islamarkaana uu garabka Talyanle xalay ku soo wargeliyay inuu faro-madhan ka joogo garabka guddoomiye Baashe Maxamed Faarax oo uu sheegay inay diideen.

Waxaana xalay uu Baashe Maxamed Faarax xildhibaanada golaha u soo diray farriin nuxurkeedu yahay in maanta uu goluhu dooran doono guddoomiye-xigeenka 1aad ee golaha oo ay ku tartamayaan xildhibaano toban gaadhayaa.

Haddaba, waxa ay maanta mar kale labada garab isugu imanayaan fadhi gole iyagoo aad u kala durugsan aragti ahaan, waxaana la wada eegayaa sida ay xaaladu noqoto.