Eng. Maxamed Xaashi Oo Madaxweyne Siilaanyo Ugu Baaqay Inaanu Doorasho Dambe Is Sharaxin Ee Uu Xilka Iska Casilo

0
625

MAXAMED XAASHI CILMIHargeysa(Geeska):Eng:Maxamed Xaashi Cilmi oo ka mida siyaasiyiinta ku bahoobay madasha wada tashiga iyo toosinta qaranka, ayaa madaxweyne Siilaanyo usoo jeediyey in aanu u  tartamin doorashada madaxtinimo ee soo socota, waxaana uu tilmaamay in mudadii uu hayey talada dalka uu qabtay waxii uu ka qaban karaayey hawlaha qaranka, isla mar ahaantaana aanay maanta macquul ahayn in wax sii kordhin ah uu ku taamo, isaga oo si nasteex ah ugu baaqay in uu iska cibaadaysto oo uu iska casilo xilka uu umadda u hayo.

Eng:Maxamed Xaashi Cilmi ayaa hadalkan ka sheegay waraysi gaar ah oo uu siiyey wariye Aadan Cabdi Ciidle oo ka tirsan talafeeshanka Horn Cable, waxaana uu isagoo la hadlaya madaxweynaha uu yidhi “Waxaan leeyahay meeshani waa meeshii aad in badan u soo bu’aysay oo Illaahay ku soo gaadhsiiyay, wixii aad ka qaban lahayd iyo wixii kaa khaldami lahaa wixii wada dhace oo waxba kama qaban kartid, tan baan sii kordhinayaana wax caqliga gala ma’aha, waxaan odhan lahaa doorashana ha u loo’lamin ee masalahaaga iska qaado oo iska cibaadayso oo iska casil baan odhan lahaa.”.

Eng:Maxamed Xaashi Cilmi, waxaa uu sida oo kale ka hadlay nidaamka Faderaalaynta ah ee ay dabada ka riixayaan Midawga Yurub iyo Qaramada Midoobay, waxaana uu tilmaamay in wakhti xaadirkan ay Somaliland qarka u saaran tahay. “Arrintaas Federalka hadal haynteedu way badan tahay,dhibaatooyin badan oo la soo maray baa jira, yacnihii tii laga hadli lahaana maanta arrimahaasi may ahayn, meel baynu iska dhignay oo afti baa la qaaday intay wixii reer Somaliland ahaa isku yimaadeen, Aftidii sidiibaa lagu ansixiyay distoorkii waxaanay ahayd arrin dhamaatay oo la xabaalay ayay ahayd, nasiib darro, maamulkan Axmed Maxamed Maxamuud(Siilaanyo) wuu soo Faqay oo wuu soo nooleeyay.Shirkii London ee laga qayb galay wuxuu Khamiistii golaha wasiiradu isku raacay in’aan laga qayb galin”Ayuu yidhi Maxamed Xaashi Cilmi.

Eng:Maxamed Xaashi Cilmi, waxaa uu ugu danbayntii uu ka hadlay xidhiidhka ergayga Qaramada midoobay Nicholas Kay  iyo Somaliland .“Nicholas Kay, dalka wuu yimid oo Madaxweynahu si wanaagsan buu ula hadlay,wuxuu ku yidhi dalkani dalkii laguu soo diray maaha, waad soo khaldantay oo qoladan nagu xigta ee Somalia la yidhaa ayaa laguu soo magacaabay, iska noqo hana nagu soo noqon. waxaa yaab leh haddana xogaa ka bacdi ayuu haddana yimid oo la qaabilay oo la soo dhaweeyay.waxa kale oo jira xafiisyo qaramada midoobay leeyihiin oo magaca Somalia dalka ku jooga oo ka shaqeeya ayaa jira. Baarlamaankaas meesha jooga ee 82-ka qof ahi(Golaha wakiilada) iyaga Guurtidu qaar nafleba maahee aan kordhinno ayuun bay yaqaanaanee, waxay odhan kari waayeen ama tahli waayeen inay yidhaahdaan ama naga baxa ama Magaca Somaliland ku jooga,”Ayuu yidhi Eng:Maxamed Xaashi Cilmi.