Eng. Baashe Cabdi Gaboobe Oo Cadeeyay Inuu Garab Istaagayo Murashax Muuse Biixi

0
888

Hargeysa(Geeska)-Baashe Cabdi Gaboobe oo hore u ahaa madaxii ollolaha gobalada galbeedka xisbiga Kulmiye ee doorashadii madaxtooyada 2010-kii ayaa daboolka ka qaaday haatan inuu taageero la garab istaagi doono musharax Muuse Biixi Cabdi.

Baashe ayaa muddo dheer dhaliilo is daba joog ah u jeedin jiray xisbiga talada haya ee Kulmiye, masuulkan ayaa laakiin hadda go’aankan qaatay, waxaanu isagoo u waramaya tilifishanka Eryal, uu yidhi “Maanta waxaan shaacinayaa inaan xisbigaygii aan ku jiray ee Kulmiye inaan sidiisii ugu jiro oo aan taageero oo waliba aan khibradaydii ollolaha aan dul dhigo labadiisa musharax madaxweynaha iyo ku xigeenka.”

Baashe ayaa intaas raaciyay “Kumaan soo noqon ee dhaqdhaqaaqii ayuunbaan badinayaa sida aad sheegaysana waxbaa ka jira ollolaha galbeedka ee codka ugu badan u keenay Kulmiye se nasiib umaan yeelan in inaan ka qayb noqdo maamulkii la dhisay.”

Masuulkan oo la waydiiyay sida uu u arko in aanu wax xil ah loo dhiibin markii Kulmiye Guulaystay waxa uu yidhi”Waa laba qof oo kala duwan Siilaanyo sida aad sheegtay hawl badan ayaanu u galnay oo aan hormuud u ahaa guushiisii ollolaha hasa ahaatee waxii aan kala kulmay umadda Somaliland waa ay ogtahay isagana khayr ayaan u rajaynayaa maadaama oo uu siyaasadii ka fadhiisanaayo oo uu nasanaayo khayr, caafimaad iyo cimri dherar ayaan u rajaynayaa, Muuse waa nin aynu is naqaano ollolihii ragii hormuudka ahaa guusha ayuu ahaa, anigu xagayga waxaan dul dhigayaa khibradaydii, tacabkayga iyo fikirkayga isagana markaas isagay u taalaa.”