Dugsiga Shaafi Medical College Oo U Dabaal Degay Xuska 18 May

0
951

Hargeysa (Geeska)-Dugsiga Shaafi Medical College oo ka mid ah Dugsiyada ku yaala Magaalada Hargeysa, ayaa wuxuu si balaadhan ugu dabaal degay Xuska 18-may ee sannad guurada 25aad ee ka soo wareegtay jiritaanka Somaliland.

1

Munaasibadii xusitaanka 18-may ee Dugsiga Shaafi Medical Collage ayaa waxa ka soo qayb galay Maamulka, Macalimiinta, Ardayda Dugsiga Shaafi, Guddoomiyaha Wargeyska Geeska Afrika Kamaal Axmed Cali, Waalidiin iyo marti sharaf aad u tiro badan.

Maamulaha guud ee Dugsiga Shaafi Medical College Maxamed Xirsi Cali, oo isagu ugu horeyn munaasibadaas ka hadlay ayaa wuxuu ka warbixiyey maraaxilkii kala duwanaa ee uu dugsigu soo maray, ardaydii ka baxday iyo waliba qiimaha ay leedahay maalinta 18-may, , waxaanu yidhi isaga oo arimahan ka hadlaya "Kuuliyadda Shaafi Medical College waxa la aasaasay bishii Oktoobar  2008, Sannad kadib waxay aqoonsi ka heshay Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare, waxa laga bilaabay laba kuuliyadood tan iyo markii la aasaasay waxa ka baxay dufcado dhawr ah oo ilaa lix dufcadood ah ku dhawaad".

Dhinaca kale wuxuu Maamulaha guud ee Dugsiga Shaafi uu ka warbixiyey kuuliyadaha kala duwan ee ay dhigaan, oo uu sheegay dugsigoodu uu dhigo kuuliyado tayo leh oo dhinaca caafimaadka ah.

Wuxuu kaloo ka hadlay xuska munaasibada 18-may, isaga oo sheegay inay shacabka reer Somaliland u leedahay qiimo gooniya, madaama ay xoriyadoodii dib ula soo laabteen.

 Dr Maxamed Jaamac oo isna munaasibadaas ka hadlay ayaa amaan balaadhan u soo jeediyey Dugsiga Shaafi Medical College, oo uu sheegay inuu door muhiim ah ka qaatay horumarka waxbarasho ee dalka, isla markaana uu aad ugu faraxsanyahay doorka uu kaga qayb qaatay xuska munaasibada 18-may.

Guddoomiyaha Wargeyska Geeska Afrika  Kamaal Axmed Cali oo isna munaasibadaas ka hadlay ayaa sheegay in Dugsigani kor u kac balaadhan ka sameeynayo Waxbarashada, oo maalinba maalinta xigtana ay soo badanayso Ardaydiisu.

Dhanka kale waxa iyana halkaas ka hadlay Arday ka tirsan Ardayda wax ka barata Dugsigaas, oo sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin in Dugsigoodu qayb libaax leh ka qaato xuska 18-may.