Dugsiga Imaamu Shaafici Oo Kaalinta 1aad Ka Galay Imtixaankii Shahaadiga Ah Ee Fasalada 8-aad

1
711

Picture1Hargeysa (Geeska) – Maamulaha dugsiga IMAAMU SHAAFICI oo ka mid ah iskuulada ku yaala Magaalada Hargeysa Xuseen Cismaan Warsame, ayaa soo dhaweeyay guulaha ardaydiisu ka soo hooyeen natiijada imtixaankii shahaadiga ahaa oo shalay lagu dhawaaqay.

Maamulaha Imaamu Shaafici oo xalay soo booqday Wargeyska Geeska Afrika, ayaa hambalyo u diray ardayda guusha ka soo hoysay imtixaanka fasalka 8-aad isla-markaana dalka oo dhan kaalinta koowaad u galay.

Maamulaha Imaamu Shaafici, Xuseen Cismaan Warsame oo ka hadlaya natiijada Imtixaanka la yeedhiyey iyo kaalinta koowaad ee ardayda dugsigiisu ka galeen ayuu yidhi “Waxa la yeedhiyey natiijada imtixaankii shahaadiga ahaa ee dugsiyada sare iyo hoose/dhexe, annagu haddii aanu nahay dugsiga Imaamu Shaafici sanadkan 2012 – 2013-ka, annaga ayaa kaalinta koowaad u galay imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada hoose/dhexe”

Maamuluhu waxa kale oo uu sheegay “Dugsiga Imaamu shaafici wuxuu ka mid yahay dugsiyada wasaaradda u diwaangashan oo dhiga Manhajka Somaliland oo Ingiriisi ah, muddo toban sanadood ah, ayaanu dugsiyada dawladda la galaynay imtixaanka shahaadiga ah, horena kaalmo fiican waanu uga gali jirnay oo markii ugu horeysay ee aanu kaalin fiican galo maaha, laakiin sanadkan kaalinta koowaad oo ah dalka oo dhan dugsiga Imaamu Shaafici ayaa ku jira, kaalinta shanaadna anagga ayaa soo galnay, marka laga hadlayo tobanka hablood ee ugu sareeya imtixaanka shahaadiga ah afar ayaa ah Dugsiga Imaamu Shaafici, waxaad moodaa dugsiga oo ah dugsi caan ah in kaalintii sanadka laga rabay uu buuxiyey” ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “Waxaan halkan Hambalyo uga dirayaa ardayda kaalmaha hore ku guuleysatay iyo dhammaan Macalimiintii u soo halgamay ardaydaasi waxbarashada, waxa kale oo aan Hambalyo u dirayaa maamulka Wasaaradda waxbarashada heer Wasiir iyo ilaa guddida imtixaanaadka qarankan oo aad moodo in natiijadii Imtixanaadku noqotay sidii aanu ka filaynay , taasina ay muujinayso in imtixaanku uu si xalaal ku socdo”

Maamuluhu sidoo kale, wuxuu hambalyo u diray waalidka ardayda dhalay “Waxaan aad iyo aad u hambalyeynayaa ardayda dugsiga dhigata guud iyo kuwa kaalmaha hore galay, waxa kale oo aan hambalyo u dirayaa waalidka ardayda dhalay ee dedaalka la deba taagnaa”ayuu yidhi.

Imtixaanka fasalada 8-aad ee dalka oo dhan ayaa waxa kaalinta koowaad ku guuleystay Hoodo Khadar Jees Aaden oo ka mid ah ardayda dugsiga Imaamu Shaafici, halka ardayada kaalinta shanaad u gashay ardayda fasalada 8-aad ee dalka oo dhanna ay tahay Amal Khadar Cabdi Aadem oo ka mid ah ardayda dugsiga Imaamu Shaafici.

Sidoo kale, tobanka hablood ee ugu sareeya imtixaanka fasalada 8-aad dalka oo dhan afar ka mid ah ayaa ka soo baxay dugsiga Imaamu shaafici.

Comments are closed.