Duco Iyo Talo Ku Socota Madaxweynaha La Doortey

0
934

Ururka Adkaynta Qaranimada Somaliland, oo luqada ingiriisigana magaciisu yahay Somaliland Patritos Appeal (SPA) waxa aasaasay muwaadiniin reer somaliland ah oo dalka gudihiisa iyo dibadiisa ba kala jooga. Ururku wuxuu u taagan yahay la dagaalanka dhaqamada iyo fikradaha lidiga ku ah qaranimada Somaliland isla markaana wuxu umadda ku wacyi galiya qaranimadu waxa ay tahay,

Ururku wuxu madaxwaynaha iyo ku-xigeenkiisa la doortay, Md: Muuse Biixi Cabdi iyo  Cabdiraxman Cabdilahi Ismaaciil (Saylici), ugu ducaynaynaa in ilaahay xilka culus ee loo doortay u fudeediyo oo uu ku guuleeyo horumarinta qaranka Somaliland.

Waxa aanu si gaar ah ugu hambalyaynaynaa shicibka barakaysan ee Jamhuuriyada Somaliland sida nidaamka iyo quruxda lahayd ee ay u guteen xaqoodii dastuuriga ahaa. Waxa aanu shicibka masaakiinta ah ee samirka badan ee reer Somaliland ilaahay uga baryaynaa in madaxwaynaha ay doorteen noqdo mid xuquuqdooda ilaaliya isla markaana si daacad ah ugu hagar baxa si uu noloshooda kor ugu qaado.

Madaxweyne waxa aanu kuu soo jeedineyna talooyin kooban:

Mudane madaxweyne ugu horayn muwaadin walba oo aad xil qaran u dhiibayso hantida amma maalka uu haysto/haysato ha la diwaan galiyo marka uu sidaa xilka u qabto.si markaa la dagaalanka musuqmaasuqu u fududaado.

Mudane madaxweyne si kharashka xukuumaddu u yaraado oo mashaariicda horumarinta lacag ku filan loogu hello, waxa aanu kugula talinaynaa in aad soo dhisto xukuumad kooban isla markaana tayo badan leh, adigoo tix galinayana in bulshada Somaliland u dhamaato xukuumadaada. Urur ahaan waxa aanu aaminsanay in la helli karo xukuumad kooban isla markaana bulshada Somaliland oo dhan na ka kooban.

Mudane madaxweyne waxa aanu ku rajo weynahay inaad ka faaidaysan doonto dhiiga cusub ee dhalinta Jamhuuriyada Somaliland ee aqoonteeda, kartideeda iyo khibradeeda leh kuna aamini doontid xilalka qaran.                      

Guddoomiyaha SPA                                                            

Khadar Maxamed Dheere                                                                                          

Signature………………….                                  

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here