Dr. Sacad Oo Magacaabay Wakiil Sharafeedka Somaliland Ee EU

0
595

Hargeysa(Geeska)-Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, ayaa wakiil sharafeedka Midowga Yurub ee Somaliland u magacaabay Mr. Mikael Torstensson oo ah nin u dhashay dalka Sweden, una dooda qaddiyadda madaxbanaanida Somaliland.

1

Dr. Sacad, ayaa sheegay in Mr. Mikael, uu Somaliland wakiil sharafeed uga noqon doono xarunta Midowga Yurub ee dalka Belgium, halkaas oo ah meelo lagu karkariyo laguna bisleeyo inta badan siyaasdaha Midowga Yurub uu ka leeyahay dunida.

Mr. Mikael ayaa ah nin inta badan u dhaqdhaqaaqa qaddiyadda Somaliland, waxaana waraysiyo badan oo uu bixiyay uu kaga hadlay qaddiyadda madaxbanaanida Somaliland iyo weliba horumarka ay Somaliland gaadhay mudadii ay xorriyadeeda kala soo noqotay dalkii Somaliya.