Dr. Gabose Oo Ka Hadlay Abaabulka Urur Siyaasadeed Uu Furayo Iyo Aragtidiisa Go’aanka Ay Golaha Wakiiladu Ka Gaadheen Diiwaangelintii Hore

0
4577

 

Hargeysa(Geeska)-Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Dr. Wasiirka-arrimaha-gudaha-Somaliland-Dr-GabooseMaxamed Cabdi Gaboose, oo xilkaas iskaga casilay si uu ugu ban baxo hamigiisa siyaasadeed, ayaa ka hadlay sida uu u arko go’aanka ay golaha wakiiladu ku gaadheen in doorashada deegaanka lagu galo diiwaangelin la’aan iyo weliba halka uu u marayo urur siyaasadeed uu tan iyo markii uu is casilay ku jiray abaabulkiisa.

 

Dr. Gabose, oo shalay waraysi gaar ah siiyay Wargeyska Geeska Afrika, wuxuu bogaadiyay islamarkaana soo dhaweeyay go’aanka ay golaha wakiiladu ku gaadheen in doorashada deegaanka lagu galo diiwaangelin la’aan kaas oo ay xukumaduna soo dhawaysay. Laakiin Dr. Gabose, wuxuu ka digay dhibaatada iman karta haddii aanay guddiga doorashooyinka, xukuumadda iyo golehaasha samaynin qorshe lagaga hortago in lagu noqnoqdo cod bixinta, waxaanu soo dhaweeyay soo jeedin uu dhawaan sheegay Madaxweyne xigeenkii hore ahna ku simaha guddoomiyaha UDUB Md. Axmed Yuusuf Yaasiin oo la xidhiidha in qorshe cad laga sameeyo sidii aan codaynta loogu noq noqdeen. Ugu horayn Dr. Gabose, isagoo ka hadlaya aragtidiisa go’aanka golaha wakiiladu gaadheen, wuxuu yidhi  “Nidaamka aynu dooranay waa nidaam ay dadweynuhu codkooda bixinayaan, markaas tiirarka ugu waaweyn ee doorashada ay ku imanayaan hoggaanka dalka iyo goleyaashu waxa weeye codka dhabta ah ee muwaadiniinta dalkaas degen in la ogyahay si loo xaqiijiyo inaan tiro aan jirin lagu shuban Karin, muwaadin kastaana wuxuu xaq u leeyahay inuu codeeyo, tirada saxda ah ee muwaadiniinta dalkaas degeni iyaduna waxay ka mid tahay tiirarka sida xaqa ah loogu kala bixi karo. Taasi waxay ahayd xil u yaala xukuumadaha inay arrintaas xaqiijiyaan, laakiin nasiib darada dhacday waxa weeye ugu yaraan afar jiil oo dalkan u dhashay oo kala ah kii 13jirka ahaa, kii 14 jirka ahaa iyo kii 12-jirka ahaa ayaa dhammaantood gaadhay da’dii qaangaadhka ee ay cod bixinta xaqa u lahaayeen, cid haysataana ma jirto kaadhkii ay xaqa u lahaayeen, waana muwaadiniin uu distoorku meel dhigay inay waajib ku tahay qaranka inuu u diyaariyo sidii ay u codayn lahaayeen. Waxa kale oo jira cilado badan oo doorashadii aynu galnay daba socday oo iyadoo ciladahaas xataa kuwii sameeyay ay ku sheegeen ayaa haddana maadaama oo ay saddexda xisbi dan moodeen in ciladahaas lagu wada geli karo bacdamaa loo wada simanyahay oo aanay xisbi gaar ah u hiilinayn. Waxa kale oo jira dadku waa reer guuraa oo qofka laguma xaqiijin karo meel uu ku suganyahay oo kolba roobka iyo nolosha ayuu raacaa. Ciladaha waaweyn ee diiwaangelinta waxa ka mid ah sidii dad degen meel ayaa lagu wada xukumay meesha uu qofku ka qaatay meel aan ahayn inaanu ka codayn Karin, waxyaalahaas badan iyo dad muwaadiniin badan oo qurbaha jooga oo dibadda ka soo noqday, waxay komishanku muujiyeen inay cilado badan leedahay. Xalku waa maxay.? Xalka ugu haboon ee waajibka qaranka ah ee goleyaasha iyo xukuumadda saarani waxay ahayd in la xaqiijiyo in diiwaangelin sax ah dadka loo qabto oo muwaadin waliba uu kaadhkiisa haysto oo cid aan muwaadin ahi aanay xaq u yeelan inay codeeyeen. Hase yeeshe sidaan ka war hayno hawshaasi waxay u baahantahay kharash badan, kharashkaasna waxaan ognahay inaan hadda gacanta lagu hayn. Waxa kale oo jira dad badan oo kaadhadhkii ay hore isugu diiwaangeliyeen aanay meel ku ogayn.”

Isagoo si gaar ah uga hadlaya go’aanka golaha wakilada wuxuu Dr. Gabose, yidhi “Markaas, sidaas darteed waxaanu arkaa inay duruuf tahay, xalkii ugu haboonaa maaha ee duruuf ayaa keentay. Xalka ugu haboon ee xaqa ahi waxa weeye tirada saxda ah in la ogyahay ee muwaadiniinta, sidaas ayaanay doorashadu ku noqon lahayd mid xor iyo xalaal ah. Markaas waxaan bogaadinayaa fikirka ay goluhu soo jeediyeen, komishanka iyo xukuumaduna ku raaceen oo ah in lagu galo sidii hore ee doorashadan doorashadeedii lagu galay. Laakiin dhibta taalaa waxa weeye sidee loo xaqiijinayaa inaan dadku ku noq noqon, arrintaas waxa looga baahanyahay xukuumadda iyo goleyaashu inay fiiro u yeeshaan. Waxaan ku raacsanahay ku simaha guddoomiyaha UDUB Axmed Yuusuf Yaasiin, fikirka uu soo jeediyay ee ah in la raaciyo sidii loo xaqiijin lahaa inaan lagu noqnoqon oo aanu boob dhicin, waayo haddii ay arrintaasi jaantaa rogon noqoto waxay keeni kartaa xasiloni daro, is qabqabsi iyo kalsooni darro doorashada ah.”

Dr. Gabose, oo uu Wargeyska Geeska Afrika, weydiiyay halka uu u marayo urur siyaasadeedkii uu iskaga casilay xilkii wasiirnimo ee xukuumadda Siilaanyo, wuxuu ku jawaabay  “Waxa weeyaan sidaas ogsoontahay, waxaan filayaa inaan cidna mugdi kaga jirin, waayo maalintii aan xilka ka degayay ayaan umadda u sheegay inaan u ban baxay himiladayda siyaasadeed iyo inaan urur furo, aniga keligay maaha ee muwaadiniinta ila aragtida ah. Markaas ilaa maalintaas ilaa maanta waxaanu ku jirnaa inaan qor qorno, habayno, qurxino urur qaran oo aanay cid gaar ahi lahayn, laga wada dhex muuqdo oo masuuliyadda xambaari kara oo ah urur aanu isleenahay inaanu kufin.”

Wuxuu Gabose, sheegay in ka hor intii aanay guddiga diiwaangelintu fasixin gudbinta araajida ururada la sameeyay ururo si sharci darro ah u tagay gobalada iyo degmooyinka dalka qaarkood, “Guddiga diiwaangelintu waa kuwii ku dhawaaqay in muwaadin kastaa haysto lixdan cisho inuu ku diiwaangeliyo ururka, arrintan waxa fowdo ka dhigay ururo lagu dhawaaqay oo aan ahayn urur siyaasadeed la sharciyeeyay ayaa gobalada ku yaacay oo xafiisyo furtay iyagoo nidaamkii iyo sharcigii burburiyay taas oo keentay in guddiga diiwaangelintu jaraa’idka ku baahiyaan inay dadkaasi dariiq khaldan qaadeen.”

Gabose, wuxuu sheegay inuu dhawaan diiwaangelin doono urur siyaasadeed cusub oo uu tilmaamay inay bulshadu leedahay oo aanay cid gaar ahi lahayn,  “Bal aan tusaale ahaan ku xasuusiyo xisbiga KULMIYE waxa uu diiwaangeliyay oo uu furay mar ay dhawr cisho ka hadhsanayd wakhtigii loo qabtay, markaas maalintaan doono aanu ku dhawaaqno ee ahmiyadu waxa weeye inaan umadda soo hordhigno wax qiime leh oo lanaga sugayo, magaciisa iyo astaanta iyo calanka iyo raggiiba way noo dhammaystiranyihiin, laakiin deg dega  waxaanu door bidnay inay ka qurux badantahay qunyar socod iyo inaanu wax sharaf leh keeno, waanan ku dhawaaqaynaa dhawaan inshaalah.”