Dr. Gaboose Oo Ku Taliyey In Magaalooyinka Waaweyn Laga Baxo, Si Looga Bedbaado Covid_19

0
692

Hargeysa (Geeska) – Dr. Maxamed Cabdi Gaboose ayaa ka digay Halista uu Bulshooyinka Caalamka ku hayo Xanuunka Covid_19 iyo sida loogu baahan yahay in Shacabka Somaliland u diyaar-garoobaan ka hor taggiisa.

Maxamed Cabdi Gaboose oo Shalay Saxaafadda kula hadlay Hargeysa ayaa sheegay in Xanuunka Covid_19 uu yahay Masiibo Umadaha dunida oo dhan saamaysay isla-markaana ka tagaysa Cawaaqib-xumo adag.

Dr. Gaboose oo arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Xanuunkan Masiibada ahi Bani-aadamka oo dhan ayay ku wada habsatay, masiibadaasi waxay ka tagi doontaa Cawaaqib  xumo adag adag oo dhan walba bani-aadamka saameeya, fikirkii iyo Horumarkii uu haystayna dib baa su’aalo la iskaga waydiin doonaa. Qaab nololeedkii Ilbaxnimadu dhalisay ee ahaa Magaalooyin waaweyn iyo Mushtamac aad isugu dhaw waxay keentay inay noqoto hubkii Xanuunkani ku faafi lahaa.”

Dr. Gaboose waxa kale oo uu sheegay “Xitaa Madaxweyneyaasha Dalalka ayuu ku dhacay, Taajir baanu dhaafayn, Madax baanu dhaafayn, Raysal-wasaarihii Ingiriiska ee Dawladaha Adduunka ugu awoodda weyn (ka midka ahaa) Cisbitaal buu u jiifaa xanuunka. Mushkiladdu waxa weeyaan, Xanuunkani Dawo malaha, Talaal malaha, Koombituurrada Casriga ah ee la samaystay iyo Hubka Casriga ah midna ma joojin karo. Hadh iyo habeen Kumanaan Khuburo ah ayaa Shaybaadhka ku mashquulsan sidii ay u Allifi lahaayeen Tallaal ama Dawo xakamaysa Xanuunkan.”ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray in Xanuunkan ay ka badbaadayaan Dalalka leh hoggaan wanaagsan iyo Shacab Midaysan “Maanta waxa ka bedbaadaya Cid Ilaahay u dhiifay Laba Shay, hoggaan wanaagsan iyo Bulsho midaysan oo is maqlaysa oo meel u wada jeedda. Siyaasadda meel iska dhiga, Ficiltanka meel iska dhiga, wax kasta oo inaga dhexeeya meel iska dhiga, dhammaanteen waa inaynu u jeedsanaa sidaynu masiibadaa uga hor-tagi lahayn.”

Ugu dambayn, Maxamed Cabdi Gaboose wuxuu Shacabka u soo jeediyey inay Magaalooyinka ka baxaan oo ay Naftooda kula eertaan Miyiga, si ay uga bedbaadaan Xanuunkan Bulshooyinka Adduunka dhibaatada ku haya ee Covid_19 “Talada aan Ummaddayda siinayaa waxa weeyaan, in Magaalooyinka waaweyn ee dadku ku badan yahay laga baxo, oo Carruurta iyo Dadka waaweyn lagu wacyi-geliyo inay Magaalooyinka ka baxaan, waa in sidaa Dadka lagu wacyi-geliyo, Waayo? Wax kasta oo dhib ah oo ina soo maray waxaynu kaga badbaadi jirnay Miyigeena, taasaana ka xoog badan Sanka aynu xidhanayno, taasina waa digniin uu idiin soo gudbinayo nin aqoon u leh Caafimaadku..”ayuu yidhi.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here