Dr. Gaboose Oo Beeniyay Hadalo Been Abuur Ah Oo Laga Baahiyay

0
534

Hargeysa(Geeska)-Dr. Maxamed Cabdi Gaboose, ayaa beeniyay in laga soo xigtay hadalo lagu faafiyay shabakado warbaahineed oo badan oo laga leeyahay Somaliland, kaas oo ku saabsanaa in Dr. Gaboose weerar afka ah ku qaaday shakhsiyada iyo caafimaadka guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Wararabe.

1

Warkan oo lagu sheegay in Dr. Gaboose waraysi siiyay wariye ka tirsan shabakadda Xogmaal, ayaa Dr. Gabose oo shalay la soo xidhiidhay wargeyska Geeska Afrika, wuxuu warkaas ku sheegay mid been abuur ah oo la sameeyay, isagoo xusay inaanay jirin cid waraysatay iyo goob uu kaga hadlay warkan laga baahiyay, “Anigu warkaas ma odhan, mana aha afkaygii, dhaqankayga iyo caadadayda toona maaha inaan hadalo noocaas ah ku hadlo.” ayuu yidhi Dr. Gabose, waxaanu intaas raaciyay, “Cidda warkaas faafisay waa cid aan aqoon u lahayn aqoonta saxaafadda oo aan Alle ka baqanayn, waayo iyagoon I arag ayay iga been abuurteen oo ay soo bandhigeen hadalo aanan odhan. Waxaan leeyahay mar kale, anigu hadalkaas ma odhan, meel la igu waraystayna ma jirto, dadka reer Somaliland-na waxaan leeyahay ha akhrisanina oo ha dhagaysanina warbaahinta waxaas faafinaysa.”

Wuxuu Dr. Gaboose, sheegay in dadka faafinaya hadalada noocaas ahi ay uga dan leeyihiin inay iska horkeenaan dad walaalo ah oo wanaag ka dhexeeyo.