Dr. Fadal Oo Ka Digay Dib U Dhac Doorasho Iyo Muddo Kordin Guurti Oo Mar Kale Timaada

0
804

wadaniHargeysa (Geeska)-Xoghayaha Siyaasada Arrimaha Dibada ee Xisbiga Mucaaradka ee Waddani Maxamed Cismaan Fadal ayaa ka digay dib u dhac mar dambe ku yimaada doorashooyinka iyo muddo kordhin ay guurtidu iska samayso.

Xoghayaha Siyaasada Arrimaha Dibada ee Xisbiga Mucaaradka ee Waddani Maxamed CIsmaan Fadal oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa hadalkiisa waxa uu ku bilaabay "Waxaan ka digayaa in dib u dhaca Doorasho oo dambe iyo muddo kordhin Xukuumadeed timaado sababta ah oo ah iyada oo markii hore Saddexda Xisbi wax isku ogaayeen, ayaa haddana muddo kordhin dheeraad ah la kordhiyey iyada oo muddo kordhintaasi aanay sharci ahayn, khaladna ahayd, balse haddii ay hadda dhacday, waxa aan ku baaqayaa in aad looga feejignaado, oo sharciga iyo shuruucda la ilaaliyo, loona hogaansamo dastuurka dalka".

Xoghayaha Siyaasada Arrimaha Dibada ee Xisbiga Mucaaradka ee Waddani Maxamed CIsmaan Fadal ayaa isaga oo hadalkiisa kana hadlaya madmawdowga ka muuqda wada hadaladii Turkigu waday wuxuu yidhi "Ilaa hadda war rasmiya oo xaqiiqada ku salaysan ma hayno, Turkiguna warsaxaafadeed ayuu soo saaray, waxaanu sheegay in aanu isagu Madax dhaqameed iskugu yeedhayn, Xukuumadduna wey ka hadashay, ee ilaa inta war sugan oo xaqiiqo ah ay arintana ka soo baxayso weynu iska sugi doonaa, xaqiiqada iyo sida ay wax u jiraana waa la ogaan doonaa"