Dr. Cali Yuusuf Oo Madaxweynaha La Doortay Kula Taliyay Dawlad Kooban Oo Tayo Leh

38
2784

Hargeysa (Geeska)-Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Wakiilada Cali Yuusuf Axmed, ayaa Madaxweynaha la doortay ee Muuse Biixi Cabdi, u diray codsi ah inuu soo dhiso Xukuumad tiro yar oo tayo badan leh, waxa kale oo uu ka codsaday inuu sicir bararka iyo qiimaha sarifka ee umadda caqabada ku noqday inuu wax ka qabto.

OLYMPUS DIGITAL CAMERA

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Wakiilada Cali Yuusuf Axmed, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale hambalyo iyo bogaadin u diray Madaxweynaha la doortay, waxaanu ugu duceeyay inuu ALLE xilka ku asturo, waxaanu yidhi “Madaxweynaha la doortay ee Doorashada loogu dhawaaqay Muddane Muuse Biixi Cabdi, ee loogu dhawaaqay inuu Madaxweyne u yahay Somaliland, shanta sanno ee soo socota, waan hambalyeynayaa, mid kale waan u ducaynayaa, waxaana leeyahay ILLAAHAHAY ha u fududeeyo hawshaas culus ee loo dhiibay, Somaliland shacabkeeda waxaan leeyahay ha ku garab galaan, sababtoo ah qofna kaligii waxba qaban kari maayo,haddii aan la raacin, oo la garab istaagin”.
Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Wakiilada mar uu baaq u diraayey Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa yidhi “Madaxweynaha la doortay waxaan leeyahay waa taas Doorashadii dhammaatay, ee lagu dhawaaqay, ololihii waa laga yimid, waxyaabo isku tuur-tuura ayaa jiray,intii ololaha lagu jiray, waana iska caadi oo adduunka ayey ka dhacdaa taasi, waxaan ka codsan lahaa Madaxweynaha la doortay isaga ayaa masuuliyadii loo dhiibay,inuu dadka isku soo dhaweeyo, oo uu walaaleeyo, oo uu ilawsiiyo wixii hore ee kala qaybinayey, oo laga shaqeeyo danta guud iyo sidii la iskugu soo dhawaan lahaa, oo dadku u walaaloobi lahaa, oo horumarka iyo nabadgalyada looga wada shaqeeyn lahaa”.
Dr Cali Yuusuf mar uu ka hadlaayey Xukuumadda iyo Golaha Wasiiradda ee dhalan doona ayaa yidhi “Somaliland waa wadan yar oo dadkiisu aanay ka badnayn ilaa afar milyan,Xukuumad buu soo dhisi doonaa Madaxweynuhu, waxaan ka codsan lahaa ama jeclaan lahaa inuu soo dhiso Xukuumad yar oo kooban, oo tayo leh, Wasiiro fara badan iyo Wasiir ku xigeen fara badan oo hoolka Shirarku mararka qaarkood aanu qaadin, ilama qurux badna, waxaan jeclaan lahaa in maruun Somaliland yeelato Wasiiro kooban, Wasiiradda faraha badan kharash ayuun bay soo kordhiyaan, wax fara badana ma keenayaan, waxa mushkilad ah inagoo dawlad yar ah oo dadkeenuna yar yahay in dawladdaha waaweyn ee Adduunka aynu ka Wasiiro badan nahay, kamana wax qabad badnin, meel inaga shan Wasaaradood ah, ayaa Caalamka hal Wasiir ka noqdaa, sida Wasaaradda Beeraha, Wasaarada Kalluumaysiga, Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa, Wadamada kale hal Wasiir baa u qaabilsan, oo hal Wasaarad baa laga dhigaa, inagagana waxba inagaga xumaan maayaan haddii aynu Wasiiradda soo koobno, waxa loo dhibayaa dadka aqoon leh, kuwaas ayuun baa wadaya, waxaan kale oo aan rajaynayaa in wax badan oo aynu saluugaynay in Dawladda cusubi ka saarto, waxyaabo fara badan oo aynu rajaynayna ay inoo fududeeyso, sida Icftiraafka aynu doonayno inay inoo keento ayeynu ugu ducaynaynaa, ALLE ha inala qabtee”
Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Wakiiladu mar uu ka hadlaayey Sicir bararka ayaa yidhi “Sicir bararku waxyaabaha la tabanayo ayuu ka mid yahay, Sicir bararku waxa lagu xalin karaa dawladda oo xisaabtan saxa ah sameeysa, oo kharashkeeda, haynteeda iyo wax qabadkeeda isku saleeyso, cashuuraha oo si wanaagsan loo habeeyo, oo lagu shubo bangiga, oo waxyaabo dhexda ka baxaa aanu jirin, sidoo kale haddii lacag fara badan suuqa lagu soo daayo, sicir bararku uu imanaya, haddii lacagtaas faraha badan la xakameeyana, sicir bararku aad buu u yaraanayaa, sidoo kale sicir bararku haddii uu suuqa ku bato doolarka ayaa qaali noqonaya,haddii uu suuqa ku yaraadana shilinka ayaa qaaliyoobaya, markaas waa in qisaas la sameeyo, waxyaabo badan baa laga sugayaa Dawladdan, oo aan sicir bararkuun ahayn, in dhaqaalaha meel walba qumaato loo habeeyo ayey u baahan tahay”.
Dr Cali Yuusuf mar uu ka hadlayey xuduudaha iyo nabadgaylada ayaa yidhi Imika Somaliland xuduudaheeda wey soo koobtay, oo wey wada joogtaa, in ilaalinta nabadgalyada ku dadaasho, oo xududaheeda ilaashato, oo dalalka jiiraanka ah nabad kula dhaqanto ayaan ka codsanayaa”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here